Somaliland oo Shaacisay Tiradii Ugu Badneyd Ee Caabuqa Coronavirus

0
2756

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa waxaa ay maanta shaacisay tiradii ugu badneyd ee dadka laga helay xanuunka Coronavirus ah.

Saddexdii maalmood ee u dambeeyay 110 qof oo laga baadhay xannuunka safmareenka ah ee Covid-19 laga helay 37 qof.

Dhimashadu waa 3 ruux laba ka mid ah waxay ku jiraan 110 ka la shaaciyey halka qofka kale uu ku jiray cisbitaalka Daryeel.

Warbixinta Guud

Baadhitaanka 72kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 110

Todoba iyo soddon qof (37) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander, 21 qof waa rag, 16 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(20jir ilaa 30jir = 18 qof)
(30jir ilaa 40jir = 9 qof)
(40jir ilaa 50jir = 2 qof)
(50jir ilaa 60jir = 4 qof)
(60jir ilaa 70jir = 3 qof)
(70jir ilaa 80jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa dhamaan ay degen yihiin magaalada Hargeysa

Waxaa xanuunka ka bogsaday 8 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Laba iyo toban (18)

Waxaa geeriyooday saddex qof oo Hargeysa degenaa. Hal qof waa rag da’diisuna ahayd 24jir halka laba qof ay ahaayeen dumar oo da’doodu kala ahaayeen 60jir iyo 63jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay dalkeena Afar iyo toban (14).

Daawo: Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Arrimahaasi iyo Qodobo kale Faahfaahin Ka Bixinay:

LEAVE A REPLY