Somaliland oo Qoraalo U Kala Dirtay Wadamada Beesha Caalamka

0
1248

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay qoraalo u kala dirtay dalalka beesha caalamka, si ay uga soo jawaabaan qaabkii ay u arkayeen doorashadii Somaliland ka dhacday.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo hadalkan ka sheegay kulankii maanta lagu dooranayay maayirka iyo ku xigeenka Hargeysa, ayaa sheegay in dalalka ay Somaliland waraaqaha u dirtay ay kala yiihiin Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Sidoo kale, waxaa uu wasiirku sheegay in warbixin ay dowladaha Yurub ka soo saareen doorashooyinkii Somaliland ka dhacay ay aad u amaaneen sidaa awgeedna caalamka laga iibin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here