Somaliland Oo Laga Bilaabaayo Barnaamijyo Horumarineed Oo Horleh.

0
751

Hargeysa,(HargeisaPress)–Guddida Farsamo  ee Mashaariicda kobcinta dhaqaalaha ee Aynadh oo ay hogaamiso wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta  Qaranka  Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan ku yeeshay magaaladda Hargeysa,waxaana  kulankaas lagaga hadlaayey mashaariicda laga maalgelin doono Barnaamijkan oo uu maalgeliyo midawga Yurub.

Kulankan waxa kasoo qayb galay xubno kamid ah Agaasimeyaasha Guud ee wasaaraddaha Kala duwan ee Xukuumadda Somaliland, madax ka socotay midawga Yurub iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Hay’addaha Dawladda Somaliland , waxaana ugu horeyn kulankaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Iyo horumarinta Qaranka Somaliland Mubaarik Cabdilaahi Ibraahim oo tilmaamay in Barnaamijkaasi ka hadlaayo kobcinta dhaqaalaha , isla markaana ay ku jiraan qaybo la xidhiidha wax u qabashada dadka nugul  iyo xoojinta arrimaha maamulka, kuwaas oo ka caawinaaya in uu yimaado horumar dhaqaale.

Waxa iyaguna goobtaas ka hadlay Agaasimeyaasha Guud ee wasaaraddaha Shaqo Gelinta Cabdirashiid  Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan ,Arrimaha Gudaha Somaliland iyo sidoo kale Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo oo dhammaantood soo dhoweeyey Barnaamijkan kobcinta dhaqaalaha , waxaanay soo jeediyeen in sida uu yahay Barnaamijku looga faa’iidaysto , waxaanay soo jeediyeen in lagu dhiirigeliyo Baananka madaxbanaan ee Somaliland in la fududeeyo habka amaahda oo ah mid xoogan oo aanay dadka danyarta ah ee reer Somaliland waxba amaahan karayn.

LEAVE A REPLY