Somaliland Oo Ku Gacan Saydhay Shuruudo Sucuudigu Ku Xidhay Xoolaha Uga Yimaadda

0
588

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda Somaliland ayaa ku gacan saydhay waraaq uga timid boqortooyadda Sucuudiga oo Somaliland ku amraysa in xoolaha dalkeeda ka dhoofaya ruqsadda caafimaadinta ay ka soo qaataan Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin, isla markaana aanay marnaba dhacaynin in xoolo ka dhoofay dekadaha Somaliland waraaqda ogolaanshiyaha caafimaadka laga soo siiyo Muqdisho.

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa tallaabadan ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan shaqsiyaad dibad-wareeg ah oo  doonaya in ay lacag adag ku helaan waraaqda caafimaadinta xoolaha, kuwaasoo metelaya dawladda federaalka Soomaaliya.

Waxa kaloo uu sheegay in ay soo gaadhay waraaq ka timid boqortooyadda Sucuudiga oo uu ku fasaxayo in xiliga Moosinka Xajka xoolaha Somaliland loo dhoofinayo Sucuudiga sidii caadiga ahayd.

Hase yeeshee waraaqdaasi ay ku jirto shuruud cusub oo Sucuudigu  ku  xidhay xoolaha nool ee Somaliland xiliga Moosinka Xajka ay u dhoofin jirtay.

Wasiir Gaafaadhi oo maanta xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay isagoo arrintaa ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan shacabka la wadaago hal shuruud oo siyaado ah, oo aynaan hore u arki jirin oo sanadkan ku jirta. Mudaba waxaa jiray niman wareegayay, oo qorshahoodu ahaa in ay lacag siyaado ah kaga dul qaadaan xoolaha.

Iyagoo u maraya ururro fayo-dhawrka ilaaliya ama in ay dawladda federaalka Soomaaliya Dhabarka geliyaan, oo dabadeed-na ay ka helaan ruqsado u saamaxaya. Iyagoo dawladda Sucuudiga la xidhiidhaya, lacago siyaado ah in ay ku qaataan warqadda caafimaadinta xoolaha”.

Waxaanu intaas raaciyay “Waxaa la socota warqadan maanta oo cusub, oo Sucuudigu soo raaciyay in waraaqda ugu danbaysa ee caafimaadinta xoolaha Somaliland ka dhoofaya in ruqsadda ugu danbaysa laga bixin doono ama ay bixin doonto dawladda federaalka Soomaaliya”ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.

Geesta kale wasiirka xanaanadda xoolaha Somaliland ayaa boqortooyadda Sucuudiga ugu baaqay in ay ogaadaan in Somaliland iyo dawladda federaalka Soomaaliya ay laba dal kala yihiin, isla markaana aanay Somaliland qayb ka ahayn federaalka.

Xasan Gaafaadhi, oo fariintaasi u dirayay Sucuudiga waxa uu yidhi ”Waxaanu marka hore u sheegaynaa Sucuudiga, Somaliland iyo dawladda federaalka Soomaaliya in ay yihiin laba dawladood oo kala duwan. Wax isaga jiraana aanay jirin.

Qayb-na aanay Somaliland ka ahayn federaalka, balse dawlad madax banaan oo xornimadeedii la soo noqotay ay tahay.

Marka labaad, hore-na uma dhicin in warqad Xamar laga keenay xoolaha Somaliland ay ku dhoofaan. Imika-na mid dhacaysa ma aha”.

Dhinaca kale wasiir Gaafaadhi, ayaa ku hanjabay in aanay marnaba dhacaynin in ay dekadaha Somaliland ka dhoofaan xoolo waraaqda ruqsadda caafimaadinta ka haysta Soomaaliya.

Waxaanu sheegay in taa bedelkeedda ay Somaliland ka doorbidayso in xoolaheedda ay iska haysato oo aanay Sucuudiga u dhoofinaynin, isla markaana aanay  suurto gal ahayn in qaranimadeedda ay ku bedelato socodsiinta xoolaha.

“Waxaan u sheegaynaa cid kastoo arrintani ay khusayso in aan xoollo ka dhoofa dekadaha Somaliland, oo sita warqad  ay samaysay dawladda federaalka Xamar aanay jiri doonin.

Xoolaheenu ama sidii ay u dhoofi jireen, ee aynu sharciga u siin jirnay  ayay ku dhoofayaan ama xoolaheena way haysanaynaa.

Imika-na haddii aan loo baahnayn xoolaheena, inagu-na (Somaliland) uma baahnin in aynu qaranimadeena ku iibsano, socodsiinta xoolaha.

Waxaan u sheegaynaa  shacbiga reer Somaliland in ay arrinkaa ogaadaan, oo ay ku baraarugsanaadaan”ayuu yidhi wasiir Gaafaadhi.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY