Somaliland oo ku eedeysay Madaxweyne Farmaajo in uu sameystay Jabhado hubeysan

0
668

Hargeysa,(HargeisaPress)—Wafdiga Somaliland ee ku suganaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku eedeeyay madaaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu sameystay jabhado hubeysan.

Eedeyntan ayaa soo ifbaxay kaddib markii Wasiirka wax laga weydiiyay kulan ay magaalada Nariobi kula qaateen hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, balse taa badalkeeda waxaa su’aasha la weydiiyay Wasiirka ku soo booday in uu ka jawaabo guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe oo ka mid ah wafdiga Somaliland ee  ku sugan Nairobi isaga oo yiri ” Adeer Annaga na weydii annaga ayaa la kulannay Cabdiraxmaan Cabdishakuur  waxaan rabaa in aan  kuu sheego cadawgaaga cadawgiisa waa saaxiibkaa, sidaa daraadeed Annaga cid walba oo ka takhluseysa xukunka Farmaajo weynu la kulmeynaa” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Laakiin Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahi Axmed oo lagu celiyay su’aasha ayaa sheegay in uu ku raacsan yahay Feysal Cali Waraabe jawaabta uu bixiyay, isaga oo taa badalkeed ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu sameystay sida uu hadalka u dhigay Jabhado hubeysan.

”Farmaajo wuxuu sameystay Jabhado hubeysan oo rag la garanayaa ku jiraan oo uu doonayo in uu kula dagaalmo Somaliland, sidaa daraaadeed, waxba kuma jabna in aynu la kulanno cid kasta oo dowladda Farmaajo mucaarad ku ah ayuu ku jawaabay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Wafdiga Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyaga oo halkaa ka waday kulamo kala duwan oo siyaasadeed.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

Info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here