Somaliland Oo Ka Hadashay Xidhiidhka U Dhaxeeya Hay’addaha Caalamiga Ah

0
1115
Wasiirka qorshaynta Somaliland Cawaale Ibraahin Shirwac

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’addaha caalamiga ah ee ka hawl gala gudaha dalka.

Wasiirka qorshaynta iyo horumarinta Somaliland Mud. Cawaale Ibraahin Shirwac oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka waramay heerka uu marayo xidhiidhka u dhaxeeya somaliland iyo hay’addaha caalamiga ah waxaanu yidhi “27-kii sanadood ee ugu dambeeyey wadanka somaliland waxa ka shaqaynayey hay’addo tiro badan oo iskugu jira UN iyo kuwa kale ee caalami ah, waxa kale oo ay somaliland la leedahay xidhiidh wadamada caalamka, su,aalaha maalmahan dambe lay waydiinayey oo ahaa inay wax iska badaleen xidhiidhkii somaliland iyo hay’addahaas ka dhaxeeyey , waxaan kaga jawaabayaa somaliland iyo hay’addahas xidhiidhkii ka dhaxeeyey waa mid sidii aanu ku wada shaqaynaynay u yaala, somaliland-na waa dal madax banaan, xafiisyada jooga ama heshiisyada aanu dalalka la galno waxaanu ula galnaa sida wadamada kale ay yihiin, wada shaqaynta hay’addaha naga dhaxaysaana waxay ku salaysan tahay xeerarka somaliland u dajisan, hadaan gaar ahaan u xuso hay’addaha caalamiga ah waxa u yaala xeer ay Somaliland leedahay oo ay nagula shaqeeyaan”

HALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA WASIIRKA QORSHAYNTA SOMALILAND

 

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY