Somaliland Oo Ka Hadashay Sababta Ay Dalkeedda Uga Saartay Hay’adda ILO

0
2715

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda Somaliland ayaa ku amartay in aanay dhulkeedda ka shaqayn Karin ayna isaga baxdo dalka hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan shaqaalaha ee ILO.

Waxaanay Somaliland hay’adda ILO ku eedaysay in aanay waxba ka qabanin baahiyaha shaqooyinka ee dalka ka jira, kuwaasoo ah hawlaha ay hay’adu u xil saaran tahay.

Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland Hinda Jaamac Gandi, oo manta gelinkii danbe arrintaas warbaahinta kala hadashay ayaa sheegtay in ILO ay is qabteen Somaliland kadib markii ay lumisay xuquuqdii ay Somaliland lahayd.

“ILO, waxaanu isku qabanay waxay ahayd, xuquuqdii ay Somaliland lahayd oo ay si toosa u lunsatay. Iyadoo ay sababeen ama ay suurto geliyeen shaqsiyaad u dhashay Koonfurta Soomaaliya, isla markaana haysta baasaaboorro caalami ah, oo ka shaqaysta kana hawl gala.

Loona isticmaalay gebi ahaanba waxa ay Somaliland leedahay in uu noqdo wax la lunsado, waxa ay Soomaaliya leedahanay-na in la shaqo geliyo. Sidaa awgeed ayuu is-qabadkayagu noqday”ayay tidhi wasiirka shaqo gelinta Somaliland.

Waxa kaloo ay wasiir Hinda, ka warbixisay goorta ay soo bilaabantay khilaafka u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo hay’adda ILO.

Waxaanay tidhi “Waxaan la wadaagay warbixinta madaxweynaha qaranka. Wakhti badan ayaanay hawshani soo socotay, waxaanu madaxweynuhu u  saaray afar xubnood oo wasiirro ah. waxaanan ILO u dirnay warqad. Warqadaasi oo aanu kagala hadlaynay qodobo kooban oo afar ah.

In ay Somaliland u aqoonsadaan in aanay ahayn wadan ka tirsan Soomaaliya, isla markaana ay tahay dal madax banaan. Wixii gef ah ee ku dhacayna ay ka bixiyaan cudur-daar”.

“Sidoo kale in ay Somaliland hesho wixii ay xaq uga leedahay shaqo abuurka ee ay leeyihiin Somaliland iyo Soomaaliya ee iyagu gacanta ku hayaan, isla markaana ay dib u furan xafiiskii Hargaysa oo ay yidhaahdeen waxaa laga maamuli doonaa Muqdisho iyo Garoowe”ayay tidhi wasiir Hinda Gaandi.

Geesta kale wasiirka shaqadda Somaliland waxay intaas raacisay in hay’adda ILO dugsigii labaad ee farsamadda gacanta lagu barto ay ka hirgelisay magaaladda Muqdisho, iyadoo aan wax qorshe ah loogu darin Somaliland.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlaysayna waxay tidhi “Sidoo kale waxaanu ogaanay in dugsigii farsamadda gacanta lagu baran jiray oo midka ugu weyni uu ku yaallo magaaladda Roma ee dalka Talyaaniga, in laga dhisay magaaladda Muqdisho dugsigii labaad ee ugu weynaa oo ay dunidu yeelanayso.

Kaasoo haba yaraatee, wax qorshe ah oo Somaliland loogu daray aanu jirin”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY