Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaal Maanta Puntland Ku Dhexmaray Hadaftimo

0
800

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku eedaysay dawladda taagta daran ee Soomaaliya gaar ahaana maamulka Puntland in ay daan-daansi dagaal iyo colaad ka hurinayso xuduudka ay wadaagaan dalkan Somaliland.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in maamul goboleedka Puntland ay xuduudka u dhexeeya jamhuuriyadda Somaliland ka wadaan falal wax u dhimaya nabadgeliyadda iyo wada noolaashiyaha bulshadda.

Kadib markii maanta maleeshiyaadka maamulka Puntland ay duulimaad ku soo qaadeen degmadda Hadaftimo oo ka tirsan gobolka Badhan ee Somaliland, tallaabadaasi oo uu wasiirku ku tilmaamay mid ay aad uga xun yihiin.

Inkastoo aanu wasiirka warfaafinta Somaliland ka hadal ama soo qaadin khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay ee soo kala gaadhay labadda dhinac. Hadana waxaa uu cadeeyay in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay jid-gooyo u galeen Badhasaabka gobolka Badhan.

Geesta kale wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in madaxweynaha Puntland ee hadda xukunka hayaa uu ku kacay ficilo aanay hore ugu kicin madaxweyneyaashii hore ee soo maray xukunka maamulka Puntland.

Iyadoo tallaabadani shalay dhacday ka hor imanaysa hadal todobaadkan ka soo yeedhay madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay doonayaan in wada hadal lagu dhameeyo wax kastoo Somaliland ka dhexeeya.

Dhinaca kale wasiirka ayaa cadeeyay in aanay marnaba ciidamadda qaranka Somaliland ka gaban doonin haddii ay Puntland isku dayaan in ay soo faro-geliyaan xuduudka ay wadaagaan.

Waxaanu ugu hanjabay Puntland in ay faraha kaga guban doonaan isku day kasta oo ay ka sameeyaan dhulka Somaliland.

Halkan Ka Daawo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here