Somaliland oo Joojisay Dawooyinkii Uga Iman Jiray Soomaaliya

0
1003

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay markii u horeysay shaaca ka qaaday inay joojisay dhamaan daawooyinkii ka iman jirey Soomaaliya.

Somaliland ayaa daawooyinkaasi looga keeni jirey Muqdisho waxay shuruud uga dhigtay inay sitaan waraaq ay bixiso Hay’adda dhawrista tayada Somaliland, oo lagu sheegay in lagu hubiyo bad qabka daawooyinkaasi.

Daawooyinkaasi hore uga iman jirey magaalada Muqdisho ee la keeni jirey gudaha Somaliland, ayaa waxay markii hore Madaarka Hargeysa kaga soo dagayeen iyagoona wax shuruud ah ama waraaq ah lagu xidhi jirin.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrist tayadda Somaliland, Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo hor tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha guurtida Somaliland, ayaa waxa uu si rasmiya u sheegay in daawooyiinkii ka iman jirey Muqdisho ee inta badan ka soo dagi jirey madaarka Hargeysa ay joogsadeen.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay Madaarka Hargeysa ku qabteen daawooyin dhacay oo uu ku sheegay inay ahaayeen Koonteenar dhan, isla markaana uu Somaliland soo galinayey Nin cadaan ah, isagoona ka gaabsaday inuu sheego halka ay ka yimaadeen.

“Waxa jiri jirtay dawooyin badan oo Muqdisho ka iman jiray iyaga oo guraan gur ah ama aan wax dhukumenti ah aan wadan, waxayna ka soo gali jireen madaarka” ayuu yidhi Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda Somaliland.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa markii ugu horaysay dalka soo galay koontiinar dhan oo dawooyin dhacay ah oo aanu madaarka ku qabanay oo nin ajaanib ah lahaa oo aanu isagna ka qaadnay talaabo ku haboon oo sharcigu uu noo ogolaanayo”

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay isagoo Guddiga golaha uga warbixinaya Howlaha Hay’adda dhawrista in gudaha Somaliland ay ka joojiyeen shirkado iyo warshado hore uga howl-gali jirey kadib markii ay baadheen heerka uu gaadhsiisan yahay tayada wax soo saarkoodu.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here