Somaliland oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Jeneraal Ka Tirsanaa Taliskii Siyaad Bare

0
1249

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hadashay hadal ka soo yeedhay Jeneraal Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo ka tirsanaa Taliskii hore ee Maxamed Siyaad Bare oo inuu sax ahaa ku sheegay duulaankii dadka badan lagu xasuuqay ee dowladii kacaanka ee Maxamed Siyaad Bare ay ku qaaday Somaliland.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa ka hadley arintaasi, isagoona ugu horayntii Shacabka reer Somaliland uga tacsiyadeeyay hadalkaasi ka soo yeedhay Jeneraal Cabdiraxmaan Guulwade.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayna marnaba daacad ka aheyn wada-hadalo midho dhala oo labada dhinaca dhex-mara, maadama uu xusay inuu Guulwade hore ugu magacaabay Wada-hadalada Somaliland iyo Dowladda federaalka.

Sidoo kale, Wasiir Koore ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay mareyso ciqaabta dhibtii ay ka gaysteen deegaanada Somaliland oo ay hore xasuuq ugu geysatay dowladdii Kacaankii.

“Farmaajo marka uu Ninkaas u magacaabey Wada-hadalada Somaliland waxa muuqatay inaanu Jeclayn inuu sii socdo Wada-hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya” Ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Somaliland.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Dhibtii ay gaysteen waagaasi ayay hada Dheefteedii heleen Maydkoodina ilaa hada waa la kale guri laayahay”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa hore ugu magacaabay Danjire Cabdiraxmaan Guulwade xubin ka tirsan ‘Guddiga qaran ee Dhab u heshiisiinta iyo Wada-hadalada Somaliland iyo Dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo uu iska casilay Xubinimadaasi.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa iyaduna shalay soo saartay War-murtiyeed ay iskaga fogeynayso hadalkaasi ka soo yeedhay Guulwade oo u muuqda mid sii hurinaya kala fogaanshaha Somaliland iyo  Dowladda federaalka Soomaaliya.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here