Somaliland oo Jawaab Ka Bixisay Hadallo Ka Soo Yeedhay Maamulka Puntland

0
1814

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay jawaab kulul ka bixisay hadallo dhowaan ka soo yeedhay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, kaasi oo la xidhiidha degmada Boocaame oo ay Somaliland si rasmi ah ula wareegtay.

Xukuumadda, ayaa sidoo kale ka hadashay Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maamulka Gobolka Sool ee gaadhay degmada Boocaame, iyadoona bogaadisay maamulka gobolka Sool iyo ciidamada Qaranka Somaliland.

Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa waxaa ay Somaliland ku eedaysay inay duullaan ciidan ku soo qaadday magaalada Boocame ee gobolka Sool.

Hadaba, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Saleebaan Yusuf Cali Koore oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ay kala garan waayeen soo dhawayntii jiibta iyo jaanta iyo xabbada.

Wasiir Koore, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Dowladda Somaliland ay ku qasban tahay inay meel kasta oo shacabkeedu uga yeedhaan tagto, isagoona sheegay in dadka deegaanka ay amaan badan u hayaan.

“Qolada Puntland oo hadallo ka maqlayay waxay kala garan waayeen soo dhawayntii jiibta iyo jaanta iyo xabbada, Dawladda JSL way ku qasban tahay meel kasta oo shacabkeedu ugu yeedhaan inay tagto, dadka deegaanka amaan badan ayaannu u ahaynaa.” Ayuu yidhi Wasiir Koore.

Geesta kale, Wasiirka, ayaa sheegay in Dowladda Somaliland aanay marnaba xuduud kale iyo diyaar u ahayn inay dowlad kale faro galin ku samayso.

“Dawladda Somaliland marna inay xuduud kale iyo dowlad kale faro galin ku samayso diyaar uma aha, hadallada xanafta leh waxba ka odhan maayo, waxaan xaqiijinayaa in maamulka gobolka Sool iyo Ciidamadu gaadheen degmo ka tirsan gobolka Sool.” Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore.

Si kastaba, hadalka wasiirka warfaafinta Somaliland, ayaa ku soo beegmaya iyadoo Ciidamada Qaranka Somaliland oo wata gaadiidka nooca dagaalka iyo Hubka noocyadiisa kala duwan ay la wareegeen degmada Boocame ee gobolka Sool, iyagoona u sii gudbay dhinaca hawdka ee Xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY