Somaliland oo Jawaab Ka Bixisay Hadalkii Kasoo Yeedhay Taliska Ciidamada Mareykanka

0
1907

Hargeysa (Hargeisa Press) – Dowladda Somaliland, ayaa jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeedhay Taliyaha Guud ee Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika, haweenayda lagu magacaabo Major General Jami C.Shawley, taasi oo ku kacday arrin ka dhan ah madax-banaanida iyo jiritaanka Somaliland.

Haweenaydan oo booqatay Magaalada Berbera, ayaa markii ay ka Dhooftay Somaliland waxay Twitter-keeda ku baahisay Qoraal ay ku sheegtay in iyada iyo Weftigeedu ay booqasho ku tageen Berbera oo ka tirsan Somaliland oo ah Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan awoodda ay leedahay Dekedda Berbera, si mustaqbalka loogu adeegsado hawlaha la xidhiidha gargaar bani’aadninimo.

“Waxaan dhawaan booqasho aad u wanaagsan ku tagay gobolka Somaliland ee Soomaaliya, halkaas oo aniga iyo kooxdayda aanu qiimaynay awoodda Dekedda Berbera ee mustaqbalka bixinta gargaarka bini’aadantinimo.” Sidaa ayay ku qortay barteeda Twitter, iyadoo ka hadlaysa booqashaeeda Somaliland ee Dekedda Caalamiga ah ee Berbera.

Hase yeeshee, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo Safar shaqo ku tagay Magaalada Berbera, ayaa si dadban uga jawaabay hadalka ka soo yeedhay Haweenada Sarkaalada ah ee ka socotay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika.

Mudane Saylici oo qoraal ku baahiyey Bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in Somaliland ay Saaxiibbadeeda Caalamiga ah u sheegayaan In Berbera tahay Goob istaraatiiji ah oo ku taalla Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Saaxiibbadayada caalamiga ah (Waxaanu leenahay) Berbera waxay ku taal Jamhuuriyadda Somaliland, waana Deked istaraatiiji ah oo ku taala badda cas…”

Somaliland iyo Mareykanka, ayaa leh xidhiidh wanaagsan oo diblumaasiyadeed, waxayna sannadka dambe ee 2023-ka bilaabayaan iskaashi dhinaca difaaca ah, ka dib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Mareykanka meel-mariyeen xeerka Iskaashiga Somaliland, kaasi oo ay ka dhalanayaan hawlo badan oo Dan u ah Somaliland, maaddaama oo aan la aqoonsanayn.

Ugu dambayn, Hadalka ka soo yeedhay Kabtanka Mareykanka ah ee booqday Dekedda Berbera, ayaa loo arkayaa mid aan sax ahayn oo muujinaya in aan Qofka sheegay la soconin Wecyiga xilligan.”.

Hadalka ka yeedhay haweenaydan sarkaalada ah, waxa si weyn uga cadhooday inay Somaliland ku tilmaanto gobol ka mid ah Soomaaliya kumanaan qof shacbiga Somaliland ah, kuwaas oo jawaabo degdeg ah ka bixiyay weedhaha oo loo arkay kuwo damqay nabaradii hore sababay inay shacbiga Somaliland lasoo noqdaan qaranimadoodii dhawr iyo soddon sannadood ka hor, iyadoo weliba ay in baddan oo shacbiga Somaliland ah xusuusan yihiin doorkii ay dowladda Mareykanka ku lahayd xasuuqiii loo geystay shacbiga sideetanaadkii ee Taliskii Millateriga ee dowladdii Soomaaliya oo xilligaa uu socday Xasuuqu dowladda Mareyanku taageero Millateri iyo saanad ku caawinaysay Taliskii Maxamed Siyaad Bare ee xasuuqa geystay.

Weedhaha ka cadhaysiiyay shacbiga Somaliland, waxa sidoo kale ka cadhooday dadyow kale oo qaarkood yihiin siyaasiyiin iyo khuburo, dublamaasiyiin iyo qorayaal u dhashay Mareykanka, kuwaas oo tilmaamay in aannay habonayn in sarkaal ka socda Mareykanka, derejadaa leh, ay kasoo baxaan ereyo duudsiyaya qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee qaangaadhay iyo weliba nidaamka dimuqraadiyadeed ee ka jira iyo xasiloonida.

Waxaanay sidoo kale, tilmaameen inaan loo baahnayn weedho xaasaasiyad ku kicinaya shacbiga Somaliland ay kasoo baxaan Saraal sare oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Wadajirka ah ee Geeska Afrika oo xilligan dowladdiisu ku hawlan tahay sidii ay Somaliland u xod-xodan lahayd, oo ay danaynayso  inay saaxiib dhow la noqoto Somaliland, iyadoo ku xisaabtamay Ahmiyadeeda Istiraatiiyadeed, amnigeeda iyo xiloonideeda.

Laakiin waxa sidan oo kale booqashadiisa kaddib war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM. Ka cadhaysiiyay shabiga Somaliland, kaddib markii uu Somaliland ku tilmaamay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Si kastaba, waa markii labaad ee madaxda Taliska Mareykanka ee fadhigoodu yahay Djibouti ka cadhaysiiyaan shacbiga Somaliland, iyagoo adeegsanaya weedho xaqiraad iyo duudsi ku ah qaranimadooda iyo jiritaankooda loo adeegsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here