Somaliland Oo Hirgelinaysa Hal-beegyada Caalamiga Ee Sisaabaadka Dawladda IPSAS

0
389

Hargaysa(HP): Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Xafiiskeeda Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dawladda ayaa si wada jir ah tababar ugu qabtay xisaabiyeyaasha Hay’addaha Dawladda.

Tababarkaas oo ku saabsan hirgelinta Hal-beegyada Caalamiga ah ee xisaabaadka dawladda (IPSAS), waxa si rasmi ah u furay Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Axmed Daa’uud Geeddi.
Hirgelinta hal-beegyada caalamiga ah ee xisaabaadka dawladda waxa looga golleeyahay dar-dargelinta iyo casriyeynta hannaan xisaabeeddka dawladda.
Si loo helo xogo xisaabeed rasmi ah oo lagu go’aan qaato iyo in la hubiyo daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka isticmaalka iyo maamulka maaliyadda dawladda.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY