Somaliland oo Dowlada Taiwan Ka Tacsiyadeysay Geerida Madaxweynahoodii Hore

0
1549

Hargeisa (Hargeis Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shacabka iyo Dowladda Taiwan ka tacsiyadeysay Geerida Madaxweynihii hore ee dalkaasi Mr. Lee steng-Hui.

Mr. Lee steng-Hui oo shalay geeriyooday ayaa ahaa siyaasi weyn oo kaalin ka soo qaatay dimuqraadiyadda lagu majeerto ee Taiwan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Somaliland ayaa ugu tacsiyadeysay Dowladda iyo Shacabka Taiwan geerida madacweynahoodii hore.

Somaliland iyo Taiwan ayaa waxaa ka dhexeeya cilaaqaad saaxiibtinimo iyo wax wada qabsi.

Wasaaradda Khaarajiga Somaliland waxa ay sheegtay in Xukuumadda iyo shacabka Somaliland ay la jiraan ummadda reer Taiwan oo ay si shucuur leh uga tacsiyadeynayaan Geerida Siyaasigaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here