Somaliland oo Dhuxul Ka Sameynaysa Geedka Garan-waaga

0
4371

Hargeisa (Hargeisa Press)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay markii ugu horeysay Dhuxul ka samaynaysaa geedka loo yaqaano Garan-waaga.

Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil (Baandare) oo uu weheliyo wasiirka Gaadiidka ayaa booqday warshadq geedka Garan-waaga ka samaynaysa dhuxusha.

Wershaddaas oo ay hindiseen muwaadiniin reer Somaliland ah waxa ay sheegeen in kaalin wayn ay  ka qaadan karto sidii looga baaqsan lahaa xaalufka dhirta Dhuxusha laga shido iyo deegaanka. Iyadoo shacabka ku nool caasimadda Hargeysa ay soo dhaweeyeen wershaddan.

Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga iyo wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland ayaa soo dhaweeyay fikradda cusub ee la yimaadeen muwaadiniita aasaastay iyagoo tilmaamay inay wershadu  gurmad u noqonaysa deegaanka iyo sidii loo yarayn lahaa xaalufta dhirta qoyan.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY