Somaliland oo Dawlad Deegaanka Soomaalida U Gacan Gelisay Madaxii Sirdoonka Ee Maamulkii Cabdi Iley oo Baxsad Ahaa

0
878

Jigjiga (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay Ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku wareejisay madaxii sirdoonka ee maamulkii hore, Cabdi Maxamud Cumar (Iley), kaas oo in muddo ah baxsad ahaa.

Ninkan oo lagu magacaabo, Mukhtaar Sheekh Suubane ayaa wuxuu ku jiray liiska xubnaha la raadinayey ee dambiyada geystay.

Madaxii hore Sirdoonka ee maamulkii Cabdi Iley ayaa waxaa soo qabtay ciidamada Somaliland, xilli uu ku dhuumaaleysanayey gudaha magaalada Hargeysa, Iyadoona uu in muddo ah ku xidhnaa Xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa.

Mukhatar Sheekh Suubane ayaa loo haystaa xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda aadamaha taas oo ka dhacday degaanka xilligii Cabdi Maxamuud Cumar uu degaanka ka talin jiray.

Inta badan waxa ay Itoobiya xabsiga dhigtay madaxdii hore ee dowlad deegaanka oo uu ugu horreeyo, Cabdi Maxamed Cumar (Iley) oo dhowr mar maxkamad la soo taagay.

Sidoo kale, waxaa lagu raad joogay xubno kale oo baxsad ah, kuwaas warqad soo qabasho u jareen maxkamadaha dalka Itoobiya.

Mukhtaar Sh. Maxamed Suubane ayaa hore uga tirsanaa Saraakiisha u saraysa ee Ururka ONLF, balse markii uu kasoo goostay Ururka ONLF ayay dawladdii xilligaas degaanka ka talin jirtay ee Cabdi Maxamuud Cumar waxay ka dhigtay madaxa sirdoonka ee degaanka.

Xukuumada Somaliland iyo dalka Itoobiya ayaa leh xidhiidho iyo iskaashi ay ka leeyihiin labada dhinac ay soo qabtaan isla markaana ay isku wareejiyaan xubnaha lagu eedeeyo inay dambiyo ka galeen labada dhinac.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here