Somaliland oo Ciidamo Badan Geysay Tukaraq

0
5220

Tukaraq (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay gaadheen ciidamo tiro badan oo ka tirsan milateriga Somaliland.

Ciidamada soo gaadhay jiida hore ee Tukaraq oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gawaadhida dagaalka ayaa ku biiray ciidamada Milateriga Somaliland ee halkaas ku sugnaa.

Ciidamadan gaadhay deegaanka Tukuraq ayaa ku soo beegmaysa xilli maalinimadii daraad uu halkaas gaadhay Abaan-duulaha Ciidamada Milateriga Somaliland S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulllaale.

Waxaana abaan-duulaha safarkiisa ku wehlinayay saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka milateriga.

S/Guuto Cabdirisaaq ayaa ciidamada ku sugan jiida hore ee Tukaraq kula dardaarmay inay dalkooda u dhintaan isla markaasna ay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan cadowga Somaliland.

Dadka deegaanka Tukaraq ayaa si weyn u soo dhoweeyay Ciidamadan Milateriga Somaliland ee deegaankaasi soo gaadhay, iyagoona sheegay in ku faraxsan yihiin imaanshaha ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here