Somaliland oo Cashuur Cusub Ku Soo Rogtay Qaadka Itoobiya

0
1301

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxka bedeshay Tacriifadaha ay ku soo rogto Qaadka yimaada dhulkeeda ee inta badan ka yimaada Itoobiya iyo Kenya.

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa shaacisay in ay kordhisay Tacriifadda ay ka qaado Qaadka Itoobiya, kaas oo markii hore ayaa SLSH 11000 1KG, Haddana laga dhigay 28000 SLSH.

Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland, waxay go’aansatay inay hoos u dhigto Qiimaha Qaadka Kenya, kaas oo ahaa SLSH 38,000 1KG, Hadda waxaa laga dhigay 28,000 SLSH, taas oo ah mid lagu simayo Tacriifadaha laga qaado Labada Waddan.

Waxaa jiray Cabasho ay Ganacsatada Qaadka Somaliland ka muujiyeen Itoobiya oo ay sheegeen inay kordhisay Cashuuraha laga qaado Qaadka loo dhoofiyo Somaliland.

Si kastaba, dowladda Somaliland, ayaa ilaa iyo hada si cad u sheegin sababaha ka dambeeya go’aankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here