Somaliland oo Cambaaraysay Falkii Foosha Xumaa ee lagu Gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah

0
652

Hargeysa-(HargeisaPress):Dawladda Somaliland ayaa si wayn u cambaaraysay falkii foosha xumaa ee lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka eek a dhacay dalka Sweden.

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Mudane. Cabdiraxmaan Cabsillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Cambaareeyey Falkii foosha xumaa ee lagu Gubey Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, Falkaas oo falkaas oo uu fuliyey,  Rasmus Paludan oo ah siyaasi Xag-jir ah, kaas oo u dhashay waddanka denmark, balse haysta dhalashada dalka Sweden, waxa kale oo uu cambaareeyey siyaasaddaha ku salaysan cunsurinimada iyo nacaybka ee dalalka Sweden iyo Holland ee ka dhanka ah muslimiinta, arrintaas oo uu ku tilmaamay wax aan marnaba loo dulqaadan karin.

Qoraalka Madaxweyne ku xigeenka oo luuqada Ingiriisgiga ku qornaa isla markaana wargeyska Dawan soo turjumay,ayuu ku yidhi. “Waxa aan si xooggan u cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee lagu gubay Qurʼaanka kariimka ah iyo nacaybka ay ku hayaan shakhsiyaadka xaqa fog ee ku sugan Sweden iyo Holland. Falalka noocaan ah waa kuwo aan la aqbali karin, waana in la cambaareeyo dadka oo dhan. Takooridda iyo nacaybka loo qabo Muslimiintu waa mid aan loo dulqaadan karin waana in laga joojiyaa.”

I strongly condemn the desecration of the Holy Quran by far-right individuals in Sweden and Holland. Such acts are unacceptable and must be condemned by all. Discrimination and hatred towards Muslims is intolerable and must be stopped #Quran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here