Somaliland oo Bogaadisay Dib u Doorashada Ra’iisul-wasaaraha Canada

0
725

Toronto,(HargeisaPress)-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa bogaadiyey Ra’iisul-wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo ku guulaystay doorashooyinkii toddobaaadkan ka qabsoomay dalkaas.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo ku hadlayey afka Xukuumadda JSL  wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitterka oo ay soo xigatay Shabakadda Wararka HargeisaPress.

https://mobile.twitter.com/VPsomaliland/status/1186686697318375429

Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland wuxuu sheegay inuu u hambalyeynayo dib u doorashada Ra’iisul-wasaaraha Canada, oo uu u rajeeyey guul  muddo xileedkiisa labaad ee loo doortay.

Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu uga mahadceliyey dawladda Canada, taageerada ay ka geystaan mashaariicda horumarinta Somaliland oo ay Canada ku bixisay 10 Milyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here