Somaliland oo Agabka Lagaga Hortago Xanuunka Coronavirus U Kala Dirtay Gobolada Dalka

0
1082

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay gobolada iyo degmooyinka Somaliland ukala dirtay agabka caafimaadka ee lagaga hortago caabuqa Covid-19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa faahfaahin ka bixiyey agab caafimaad oo loo kala diray gobolada dalka, kaasoo u badan agabka difaaca jeermiska iyo nadiifiyeyaasha dareeraha.

Agabkan ayaa la gaadhsiin doonaa dhamaan xarumaha caafimaadka ee degmooyinka dalka, waxaana loogu talogalay howl-wadeenada ka shaqeeya goobahaasi in ay  bukaanka ugu adeegaan.

Waxa kamida degmooyinka agabka loo dirayo kuwa hoos yimaada Gobolka Maroodi-jeex oo ugu balaadhan bulsho ahaan dalka.

LEAVE A REPLY