Somaliland Oo 11 Qof Oo Cusub Ka Heshay Xanuunka Covid-19

0
688

Hargeysa,(HargeisaPress)–Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi    iyo Agaasimaha guud  ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xeergeeye oo warbaahinta kula hadlaayey wasaaradda Horumarinta caafimaadka ayaa xaqiijiyey in 11- qof oo  cusub ee laga helay xanuunka Corona Virus.

ugu horeyn wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland  Md Cumar Cali Cabdilaahi  ayaa sheegay in 60 qof oo la baadhay  laga helay 11 qof oo kamid ah xanuunka Covid-19, isaga oo qof kamid ah 11- kaas qof ee cusub uu ku geeryooday magaaladda Hargeysa .

Tiradda guud ee ilaa hadda xanuunka laga helay dalka ayaa wasaaraddu ku sheegtay in ay dhan tahay 23 qof , iyada oo saddex qof oo kamid ahi ay geeryoodeen .

Kow iyo tobankan qof ee  xanuunka laga helay  ayaa kala jooga magaalooyinka Yuufle oo gobolka Sanaag ah , magaaladda Burco ,Magalaadda Hargeysa  iyo Boorame .

Geesta kalena Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo goobtaas ka hadlay ayaa cadeeyey in adeega caafimaadku yahay mid fiican oo mashiinkiina shaqaynaayo, waxaanu beeniyey warar dhowaan lagu qoray baraha bulshada oo ay inani kaga cabatay cisbitaalka guud ee Hargeysa, isaga oo tilmaamay in inantaas cabanaysay loo adeegay ,isla markaana xanuunka laga waayey.

Wasiirka ayaa bulshada ku bogaadiyey in ay kala fogaadaan, isla markaana ay taladda bahda caafimaadka Qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here