Somaliland: Muwaaddin Raadinaya Baabuurkiisii oo Laga Xaday iyo Falalka Xatooyada baabuurta oo muddooyinkii u dambeeyey laga dareemay Magaalada Hargeysa

0
1020

Hargeysa, (HargeisaPress) — Muwaaddin magaciisu yahay Yuusuf Cabdillaahi Kaariye, ayaa sheegay inuu ilaa hadda la’yahay baabuur uu lahaa oo laga xaday barxada hore ee gurigiisa oo ku yaal xaafadda Galjano ee magaalada Hargeysa.

Muwaaddinka xatooyadu ku dhacday, ayaa Jamhuuriya u sheegay in baabuurkiisa oo ahaa nooca yaryar ee indho-cadaha loo yaqaan, lambarkiisuna ahaa (plate number) 440331 la xaday muddo haatan laga joogo toddobaad, kaasoo aan ilaa hadda meelna lagu sheegin.

“Anigoo ah Yuusuf Cabdillaahi Kaariye waxa la xaday baabuurkaygii oo lambarkiisu ahaa 440331, noociisuna yahay Mark11 indho-cadde muddo hadda laga joogo toddobaad, kaasoo laga kaxaystay wajahadda hore ee aqalkayga oo ku yaal xaafadda Goljanno ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan guryaha dhinaca woqooyi ka xiga cusbitaalka guud.Ilaa xiligaas baabuurkaygii wax war ah kama hayo, booliskana waan la socodsiiyey, wax war iyo macluumaad ahna weli kama aan helin, muddadaasna baadi-doon xooggan ayaa loogu jiraa helistiisa.

Haddaba, hay’adaha ammaanka, dadweynaha iyo cid kasta oo baabuurka noocaas ah aragta inay gacan ka geystaan qabashada baabuurkaas, iyadoo ciddii wax macluumaad ah ka hesha aan ka codsanayo inay igala soo xidhiidhaan telefoonka 063-440-7006 ama gurigayga oo ku yaal dhinaca dambe ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa,” ayuu yidhi Yuusuf Cabdillaahi Kaariye.

Falalka lagu xadayo gaadiidka yaryar ayaa muddooyinkii u dambeeyey laga dareemay caasimadda Hargeysa, iyadoo horena sidan oo kale loo goobo kala duwan looga xaday baabuur yaryar, kuwaasoo qaarkood baadi-goob dheer kadib la helo, halka ay sidoo kale jiraan baabuur aan dib loo arag.

 

Jamhuuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here