Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo OO Maanta Dalka Ka Dhoofay iyo Ujeedada Socdaalkiisa + SAWIRRO

0
1284

siilaanyo 324Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Mud Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport isaga oo u sii jeeda Dalka Ethiopia oo uu hawlo shaqo ku joogi doono maalmo balse waxa uu uga sii Gudbi doonaa Dalka Ingiriiska oo uu madaxweynuhu fasax ku tegayo.

Hadaba intaanu Madaxweynuhu ka dhoofin garoonka Caalamiga ah waxa uu mashaariic aad u qiimo badan oo Dalka iyo Garoonka Diyaaradahaba ku soo kordhisay Bilic iyo dhismayaal waxtar u leh qaranka Somaliland uu madaxweynuhu furay taasi oo ay ugu waa weynaayeen Dhismaha Dabaq aad u qurux badan oo aad looga shaqeeyey looguna talogalay in uu noqdo Xarunta Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee Somaliland lagana hirgeliyey Garoonka Diyaaradaha Hortiisa, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu indhaha ka soo qaaday sida looga hawlgalay horumarka garoonka Egal Airport isaga oo mashaariic aad u tiro badan xadhiga ka jaray isla maanta ka dibna kormeer ku soo maray dhismaha Runway ga garoonka hada isna gacanta lagu hayo si looga dhigo garoon ay u dhamaystiran yihiin hawlihiisa duulimaadyadu mar walba.

siilaanyo

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo noqday Qolka VIP ga ee Garoonka ka dibna intaanu ka duulin garoonka waxa uu la hadlay Saxaafada Dalka isaga oo salaam sharafna ka sii qaatay Ciidamada Qaranka Somaliland iyada oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Dalku.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here