Somaliland: Madaxa fayo-dhawr Wasaaradda Caafimaadka Oo Fariin U Diray Bulshadda

0
592

Hargaysa (HP): Cabdi wahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma), madaxa fayo-dhawrka ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa ugu baaqay bulshadda in ay ka feejignaadaan xanuunadda faafa iyo kuwa ka dhasha qabow daran.

Waxaanu bulshadda Somaliland ku baraarujiyay in ay ka feejignaadaan cuduradda ka dhalan kara ama ay keenaan qabowga daran ee maalmahan degaamo dalka ka tirsan ka jira.
C/wahaab Nakruuma, oo manta la hadlay warbaahinta dawladda waxa kaloo uu sheegay in isbedelka cimiladda aduunka ee guud ahaan ka taagan caalamka ay keeneen xanuuno aan la aqoonsan oo dunida ku cusub.

Madaxa fayo-dhawrka wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa si gaara farta ugu fiiqay sida loogu baahan yahay in laga digtoonaado xanuuno ay sababi karaan qabowga maalmahan sida weyn loo dareemay.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waa in dadweynuhu ay ogaadaan xaaladaha marba lagu jiro. Marka roobku da’ayo oo kale, marka Qabowgu uu jiro oo kale, marka Kulaylku uu jiro oo kale, dadku in ay la socdaan.

Waana in bulshadu ku baraarugsanaato, oo ay ka taxadiraan, oo ay la socdaan qabowga badan ee jira maalmahan”.


Geesta kale Cabdiwahaab Nakruuma, waxa uu si gaara fariin ugu diray waalidiinta oo uu ugu baaqay in ay caruurta maryo culus oo kuwa dhaxanta ah u xidhaan marka ay subaxdii dugsiyadda u dirayaan.

“Gaar ahaana waalidiintu caruurta si gaara uga war hayaan, subaxdii oo kale marka ay dugsiyadda u dirayaan. Haddii sidii hore ay Shaadh iyo Surwaal keliya u geliyaan, waxay ku keenaysaa khatar fara badan”ayuu yidhi Nakruuma.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY