Somaliland: Maayirka Hargeysa oo billaabay dhismaha waddo isku Xidhaysa Goljano & Daami + SAWIRRO

0
1106

ololaha dawlada hooseHargeysa,(HargeisaPress) — Maayirka Hargeysa oo hogaaminayey xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa ayaa hawlgal balaadhan ka bilaabay xaafadda Goljano oo loo samaynayey wadadii ugu horeysay oo laami ah oo ay yeelato.

Wadadan ay Dawladda Hoose ka bilawday xaafadda Goljanno ee degmadda 26 june ayaa ku xidhmi doonnta xaafadda Daami ee degmadda Gacan libaax, taas oo halbawle u noqon doonta isku socodka caasimadda, isla markaana lagaga bixi doono xidhiidhiga wadooyinka iyo waddo la’aantii ka jirtay xaafadda Goljano.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa sheegay inuu hawlgalkani ahaa kii ugu balaadhnaa ee xaafadda Goljano laga fuliyo, isla markaana ay noqonayso wadadii ugu horeysay ee Laami ah ee laga hirgaliyo xaafaddan oo wax badan dhibaato ku qabay waddo la’aan.

Maayirka iyo ku xigeenkiisa oo ka qayb qadanaya olalaha
Maayirka iyo ku xigeenkiisa oo ka qayb qadanaya olalaha

“Hore waxa loo odhan jiray Goljano waddo looma samayn karo ee waxaanu doonaynaa in Goljano wadadii kowaad u samayno, wadadaasi ay ka soo bilaabanto Akadamiga agteedda soona dhexmarto xisbiga dhexdiisa, ilaa Cabaaye mari doonta kuna xidhmi doonta Xaafadda Daami, Wadadda Goljano waxa ku yaalay Dayrar sharci daro ah iyo Sandaqaddo kuwaas oo markii loo digay laga dumiyey”ayuu yidhi maayir Soltelko.

Maayirku waxa uu sheegay in wadadani tahay laba kilomitir iyo siyaado taas oo lagu dhisayo mashruuca dawladaha hoose ee JPLG-ga looyaqaan kaasi oo ku bixi doonta kharash ah laba boqol oo kun iyo dheeraad Dollar.

Waxaanu intaas ku daray “Run ahaantii waxaan leeyahay todoba cisho ee Ramadaan ka hadhay ayaa ka hadhay Dayrarka sharci darada ah iyo Sandaqaddaha wadooyinka lagu dhisay, xaafadda aanu doono ayaanu ka bilaabaynaa ee yaan hadhow la odhan layma sheegin, waana joogteyn doonnaa”.

Si kastaba ha ahaatee, golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa ku guulaystay inay wadadii ugu horeysay ka hirgaliyaan wadada GOLJANO,isla markaana aanay ka dhicin wax dhibaato ah iyo khasaare nafeed, maadaama oo wakhtiyaddii hore hawlgaladda sidan oo kale ah dhibaatooyinka dhici jiray.

Sidoo kale, dadweynaha xaafadan ayaa soo dhoweeyey wadadan loo samaynayo, isla markaana uga mahad naqay dawladda hoose, iyadoo guddida xaafadda ee horumarinta xaafadda Goljano la shaqaynayey hawlgalka ay Dawladda Hoose Waddo, maaadaama oo in badan xaafadani ka xidh xidhnayd xaafadaha kale.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here