Somaliland: Maayarka Hargeysa oo Xoolo u qalay Maxaabiista ku Xidhan Xabsiga Hargeysa + SAWIRRO

0
1031

Hargeisa, (HargeisaPress) — Maayarka Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa maanta Hilib u qaybiyey maxaabiista ku jirta jeelka weyn ee magaalada Hargeysa munaasibadda Ciidal Adxiyadda darteed.

Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka ciidamada Asluubta ayaa maayarka uga mahad-celiyay garashadda uu gartay in maxaabiista uu kula ciiddo, isla markaana uu Xoolo u qolay, isagoo maayaradda kale ugu baaqay inay kaga daydaan talabaadaasi uu sameeyey.

Hilibkii_3

“Maayarka Caasimada mahadnaq gaar ah ayaan u noqayaa, Waa maayarkii kowaad ee gartay in dadka xidhan inuu masuul ka yahay oo uu maanta xoolo u qallo,waa markii shanaad iyo lixaad ee uu xabsigan soo booqdo mar walbana diyaar buu u yahay inuu wax nala qabto oo maxaabiista xidhan ee sharciga jabiyey waxay u baahan yihiin u qabto,ilaahay baa garan siiyey inay yihiin dadkiisii oo sharciga khilaafay, waxaana maanta noo sharaf ah in dadkii ku xidhna xabisigan dhexe ciida carafe kula dhex ciidano,kuwas oo ku faraxsan xoolo loo qallay”Xasan Cali Dheere Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta.

Taliyaha Cidanka Asluubta Gen:Maxamed xuseen Faarax Xiirane, ayaa maayarka ku amaanay sida uu mar walba wax ula qabto Maxaabiista, kuwaas oo uu maayaradda kale ku booriyey inay kaga daydaan waxqabadkaasi muuqda.

“Aad baan ugu faraxsnahay in Maayarku xabsiga noogu yimaado isagoo maxaabiista laba Awr oo uu kula ciido u gowracay, waxaa kaloo fariin u diriyaa sida maayarka Hargeysi maxaabiista ula shaqeeyo waa in maayarada kale kaga daydaan,”ayuu yidhi Taliye Xiirane.

Hilibkii_1

Maayarka Caasimadda Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Caydiid Soltelko ayaa sheegay inay mar walba ka fuliyaan olole nadaafadeed iyo Buufin xaga cayayaanka ku dhasha ah, waxaanu maayarku taliyaha iyo ku xigeenkiisa ku amaanay sida wanaagsan ee ay uwada shaqeeyaan.

“Aad baan ugu faraxsahanay in aanu casuumad u samayno dadkii sharciga ku gafay ee la mariyay wixii ciqaab ah oo ay lahaayeen, anagoo eegayna xaqa bani’aadanimo iyo dadnimo ee ay inagu leeyihiin, dawlad hoose ahaan waxaanu iska xilsaarnay in dadka xidhan iyo kuwo ilaahay maskaxda ka qaaday oo labaduba ay ka mid yihiin kuwo aanu xukuno aanu wax u qabano, oo kuwan xidhan waaba la soo boqdaayoo eheladoodda ayaa cuntadda u timaadee kuwa maskaxda ka xanuunsanaya ee ehel iyo qaraabo toona lahayn waxaanu u qornay sodan neef oo adhi ah”ayuuyidhi maayarka Hargeysa Soltelko.

 

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here