Somaliland: Maareeyaha Madbacadda Qaranka Oo Ka Warbixiyay Waxyaabaha U Qabsoomay

0
711

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Maareeyaha madbacadda qaranka Somaliland ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay mudadda uu xilka hayay isagoona sheegay in horumarka balaadhan ay ku talaabsadeen.

Maxamuud Raage Ibraahim, maareeyaha madbacadda qaranka Somaliland oo maanta telefishanka qaranka Somaliland u waramayay  isbedelka ay madbacadu samaysay intii uu joogay ayaa tilmaamay in uu wada bixiyay shaqaalaha oo mushahar dhawr bilood ah aan qaadan.

Waxaanu sheegay in culays badan uu ku hayo tartan dhinaca suuqa ah ay kula jiraan madbacado gaar loo leeyahay oo aad ugu soo batay dalka, isla markaana ay ku dedaalayaan sidii ay u xajisan lahaayeen macaamiishoodda.

Maxamuud Raagge, waxa kaloo uu tilmaamay in inkastoo ay aad u dedaaleen hadana aanay weli si buuxda u wada gaadhin qorshihii ay dejisteen.

Geesta kale maareeyuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha u qorshaysan in ay ku horumariyaan adeega daabacaadda ee ay madbacadu bixiso.

Halkan Ka Daawo Maareeyaha Madbacadda Qaranka Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY