Somaliland: Komishanka xakamaynta cudurka HIV/AIDS oo kulan Wacyigelin ah ku qabtay Hargeysa

0
1205

Hargeysa (HargeisaPress)-Magaaladda Hargeysa waxaa lagu qabtay kulan ay soo qaban qaabiyeen guddida Xakamaynta cudurka HIV-ADS, kaas oo ku saabsanaa in aan la takoorin dadka cudurkaasi la nool.

Kulankan ayaa lagu gorfaynaayay sidii dadka looga wacyigelin lahaa in aanay takoorin dadka la nool xannuunka HIV/AIDS, ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha Fulinta ee guddida xakamaynta AIDS-ka C/shakuur Muumin Aare, waxaanu sheegay in ay si weyn hoos ugu dhacday takoorkii ay dadku ku hayn jireen dadka qaba cudurka marka loo eego sanadihii hore, dadkuna ay fahmeen siyaabaha cudurka lagu kala qaado in aanay ku jirin in qofka la salaamo wax lala cuno ama meel lala fadhiisto.

 

Wasiirka wasaaradda Shaqogelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland Marwo: Hinda Jaamac Xirsi Gaani, oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in loo baahanyahay in kor loo qaado wacyigelinta bulshada si dadka la nool xanuunkaasi aanay dhibaato uga soo gaadhin takoor.

Geesta kalena guddida xakamaynta xannuunka HIV/AIDS waxaa ay daah-fureen shirka sadex biloodlaha ah ee xakamaynta cudurka HIV/AIDS ka.

LEAVE A REPLY