Somaliland: Kal-fadhigii Saddexaad Ee Golaha Wakiiladda Oo Furmay

0
540

Hargaysa (HP): Kal-fadhigii saddexaad ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta dib u furmay.
Kadib markii ay mudaneyaashu soo dhamaystaan fasax ay in muddo ah ku maqnaayeen.
Mudanayaasha golaha Wakiillada ayaa fadhigan maanta loogi qaybiyay ajandaha Kal-fadhiga saddexaad ee ay ku shaqayn doonaan.

Fadhigaasi oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa mudanayaasha loogu qaybiyay ajandaha Kal-fadhiga saddexaad.
Waxaanu guddoomiyuhu mudaneyaasha ka codsaday in ay soo naaqishaan ajandaha si maalinta bariya loo gudda galo.
Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaana mudanayaasha u akhriyay qodobada uu ka kooban yahay ajandaha ay ku shaqayn doonaan goluhu.
Ajendaha ay goluhu ku shaqayn doonaan ayaa u dhignaa sidan:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY