Somaliland Iyo Xuska Maalinta Afka Hooyo + SAWIRRO

0
1364

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kulan lagu xusayay maalinta Afka hooyo oo ku beegan 21 bisha Labaad oo sannad walba laga xuso guud ahaan adduunka ayaa lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Cultural Center .

 

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen wasiirrada Madaxtooyada iyo Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland,Abwaanno iyo dhaqanyaqaano tiro badan ayaa waxa ugu horeyn goobtaasi hadal qiimo badan ka jeediyay Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasiin(Dheeg) oo si waafi ah uga hadlay Afka hooyo iyo illaalintiisa.

IMG_1846

“Afkeenii faa’ido badan oo balaadhan ayaa laga gaadhay  meelo badan oo lagu dhawro ayaa loo sameeyey. Waxaa jirijirtay gudi eegta waxa uu qofku qoray ama ku gabyayo dabadeedna wixii khaldan laga saari jiray halka maanta aad arkayso qof yar oo wax aanu kala saarayn gabay iyo jiifto in laga duubo dabadeedna abwaan loogu yeedho .Abwaanku maaha gabayaaga ee waa nin ka aqoon badan markaa waxaa loo baahanyahay in la soo celiyo afsoomaaliga ciddii sixi jirtay oo laga helo idaacadda si loo saxo afka. Inta badan waxaan la hadlaa qolyaha qora afsoomaaliga ee joornaalada kuwaas oo aan u sheego wixii ka khaldan. Dhalinyaraduna waxay u baahanyihiin in la saxo oo waxay idaacadda ka dhagaysanayaan ama shaashadaha ka daawanayaan laga saxo”ayuu yidhi Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasiin Dheeg.

IMG_1860

Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasiin(Dheeg) waxa uu  soo jeediyay si afka hooyo loo illaaliyo la raaco sida  dastuurku Somaliland qorayo ee ah in afka koobaad ee dalku yahay soomaali ka labadana yahay carabiga haddii loo baahdana la adeegsan karo ingiriisiga.

IMG_1919

“Afka illaalintiisu waxa uu baahanyahay oo laga illaaliyaa laba meelood waxa idaacaddaada ka soo baxaya waxa tilifiishanka ka soo baxaya iiyo sidoo kale iskuulada. Waraaqo ayaa la samaynayaa xaflad qalin jabineed dhammaan waxa ku qorana waa ingiriisi. Markaa waxaan idin  farayaa dhammaan haay’ad haday tahay ama meel waxbarasho  in ay ku qoraan afsoomaali oo ay  ka illaaliyaan in ay ku qoraan af kale. Afeenuna waa in uu noqdaa ka koobaad oo la raaco sida uu dastuurku dhigayo. Ajaanibkana lagu yidhaa dadka afkiisu waa soomaali ee uugu soo qor soomaaligaa. Saxaafaddana waa in loo sameeyo tababaro lagu kobcinayo heerka aqooneed ee afsoomaaliga,oo laga illaaliyo ereyada ay sida khaldan u isticmaalaan. Xaga idaacadana waxaa loo baahanyahay in la geeyo wax saxa tusaale ahaan waxay odhanayaan golaha sharci dajinta ,,,, adeer hana danbaajinina ee annagu sharci ma dajino ee Rabbiga wayn ayaa sharci dajiya ee ha noo dhaafin Golaha guurtida iyo baarlamaanka waaayo anagu sharcigii Alle dajiyey ayuun baan afsoomaaliga ku dabaqnaa oo aanu u min guurinaa”ayuu yidhi Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasiin(Dheeg)

DSC_0017

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo munaasibadaasi lagu qabtay xarunta dhaqanka ee Hargeysa ka hadlay ayaa sheegay in ka wasiir ahaan uu xil wayni ka saaran yahay illaalinta afka hooyo.

DSC_0115

“ Aniga xilbaa iga saran  maaddaama oo aan wasaaraddii dhaqanka iyo afka  joogo waxaan jecelahay in aan madaxtooyada iyo maaliyada kala tashado sidii loo abbuuri lahaa akaadamiyedii dhaqanka iyo sayniska oo ay noqoto mid runtii shaqaysa,waxaan dhiirigalinayaa in la dhiso tiyaataro badan. Waxaan soo gaadhay tiyaatarkii silimo Oktoobar waxaan garaynayaa tiyaatarkii Miyii iyo magaalo ee dunbuluq ku yaalay.Waxaan dhiirigalinayaa in uu afsoomaaligu noqdo in uu noqdo mid ka bilaabma dugsiyada hoose dhexe sare iyo illaa jaamacadaha .Waxaan tixgalinayaa in uu afsoomaaliga ka baaya raadiyowga iyo tvyadau ay noqdaan mid saxa”ayuu yidhi wasiir Caddaani.

1

Wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu balanqaaday in uu abuurayo guddi illaalisa af-soomaaliga ka baxaya idaacadda Radio Hargeysa iyo Tvga qaranka.

 

“Waxaan abbuurayaa gudi ama qayb illaalisa afsoomaaliga ka baxaya radioga iyo tvyada waxaan idiinka balan qaadayaa in aanay carruurtiinu dhagaysan doonin naago is caayaya,waxaan kobcin doonaa oo aan dhiirigalin doonaa abwaanada qaranka ee dalka joga,waxaan dhiirigalin doonaa gabayaayada ay ka mid yihiin yaasmiin dheeg xaawa iyo yaasmiin ay ka mid yihiin.Balan baan kaaga qadayaa in aadan dawan doonin ruwaayad todobaatankii ah oo shucaac maydhana balse aad daawan doonto ruwaayado ay yaasmiin ay idiin sameeyeen iyo xidigaha geesku.Waxaan dhiirigalin doonaa jilayaasha ay ka mid yihiin sooraan iyo jawaan iyo qaar kaloo badan ay ka mid yihiin,waxaanu bilaabi doonaa barnaamijyo lagu tartamo haday gabayga tahay si loo dhagaysto,waxaanu dhiirigalin doonaa hibooyinka ay ummadddu leedahay oo dhan  wax ale waxa aynu ciyaar dhaqameed leenahay carruurteena ayeynu bari doonaa .Waxaan danaynayaa sidii loo ilaalin lahaa asaarta qadiimka ah ee aynu leenahay sida Laas-geel .Waxaan danaynayaa in aan baadhno taariikhdeena inaga maqan ee dalkani uu leeyahay inteena cilmigeeda lehna aynu dhiiri galino sidoo kale aynu la kaashano wadamada kale sidii ay inooga caawin lahaayeen in la illaaliyo laas-geel”ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliland MD Caddaani.

 

IMG_1833

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa munaasibadaasi lagu qabtay xarunta dhaqanka ee lagu xusayay afka hooyo  ayaa sheegay in maalintan adduun waynuhu u aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee afka hooyo isla markaana afkeena hooyo ay waajib inagu tahay sidii aynu u illaalin lahayn.

 

“Maalintan adduunwaynaha ayaa astaystay November 1999 ay haaya’da qaramada midoobay u astaysay in uu noqto maalinta afka hooyo u jeedada laga lahaana waxay ahayd in  dadka ku nool qaaradahaa adduunka ee kala duwan ee kala luuqdadha duwan in ay xusaan afkooda si hadba ay ula socdaan heerka uu marayo.Sida bina aadamku u dhamaado ayuu afkuna u dhamaadaa balse bulshada leh ayaa ay illaalin karta sidoo kalena dayici karta. Ummaduhu waxay illaashadaaan in aan afkoodu badhxamin markaana waxa la baraa da’yarta si afka loo illaaliyo.Waxaan ka anigu ka mid ahaa dadkii iskuulka ku bartay luuqada ingiriisida markii aan la qorin afsoomaaliga balse marki afsoomaaliga la qoray ayaa dib naloo celiyey oo aanu ku barangay afsoomaaliga oo aanu ku  luuqayn jirnay afkeena. Waxa dhammaan mahad iska leh raggii qoray ee  waliba turjumeen sayniskii iyo xisaabtii  waxanay galiyeen tacab badan.”ayuu yidhi wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi.

IMG_2195

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sheegay in afka hooyo illaalintiisa  xil wayni inaga saaran yahay.

 

“Waxaynu u baahanahay in xilka afka inaga saaran aynu illaalino oo aynu dareeno in waajib inaga saaran yahay.Waxaan halkan hambalyeynayaa dadka afmaalka iyo qalin maalkaba.

 

Mar hadii wasiirka waxbarashada iyo warfaafintu ay ku jiraan hawlahan afka iyo ka shaqayntiisa waan hubaa in ay ka soo baxayaan,waxaan u baahanahay in aynu afkeena horumarino carruurteena waxbarno sidoo kale in suugaanyahaynada da’da yar ee wax sameeyaana  ay suugaanta asturaan oo ay ka daayaan in la qaawiyo afka.waan dhiirigalinaynaa dawlad ahaan koriinka afka waana nagu waajib wixii taagtayada ahna waanu qabanaynaa”ayuu yidhi wasiirka madaxtooyada Somaliland.

 

Munaasibadan lagu xusayey maalinta afka hooyo ee lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa ayaa waxa sidoo kale suugaan ku saabsan afka iyo faa’idadiisa ka jeediyey hal-abuuro ay ka mid ahaayeen: Yaasmiin Maxamed Kaahin, Koos Jaamac Dhunkaal iyo Xaawa Jaamac Cabdi  oo soo bandhigay suugaan aad u cuddoon oo xadxantaysay ka soo qaybgalayaashii xuska maalinta afka hooyo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY