Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo Iska Kaashanaya Saameynta Isbadelka Cimiladda

0
1565

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa xafiiska wasaaradda ku qaabishay madax ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Cunada iyo Beeraha ee FOA Xafiiskeeda Hargeysa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda deegaanka.

Waxaa kulanka wasiir Shugri Baandare la yeelatay madaxda ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobay, ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Cabdikariim Aadan Cade iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, kulankan, ayaa lagaga wadahadalay intii uu socday mashaariicda ay wadanka ka wadaan iyo sidii looga wada shaqayn lahaa, laysagana kaashan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka, saamaynta isbadelka cimiladda  isla markaana loo  xoojin lahaa wada-shaqaynta Wasaarada iyo Hay’adda FOA.

Kulankan Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland iyo madax ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Cunada iyo Beeraha ee FOA Xafiiskeeda Hargeysa, ayaa ku soo dhamaaday is afgarad iyo mahadnaq, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda deegaanka Somaliland.

LEAVE A REPLY