Somaliland iyo Jabuuti oo Iska Kaashanaya Amniga Xeebaha

0
2140

Djibouti (Hargeisa Press) – Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Sareeye Guuto Axmed Hurre Haariye oo socdaal ku jooga dalka Jamuuriyada Jabuuti, ayaa waxaa uu maanta kulan balaadhan la qaatay dhigiisa dalkaasi Kornayl Wacays Cumar Boqore.

Kulanka oo ka dhacay Taliska Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jabuuti, ayaa labada Taliye waxay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha ilaalinta badaha iyo ka hortaga cid kasta si sharci daro ah ku soo gasha biyaha iyo sohdinta labada wadan ee ay wadaagaan iyo iskaashiga labada ciidan.

Waxay si gaar ah uga wadahadleen sidii laysaga kaashan lahaa ilaalinta amniga guud ee biyaha gaar ahaana dhinacyada arrimaha khatarta ku ah biyaha gacanka cadmeed ee budhcad badeeda, kalluumaysiga sharci darada ah iyo arrimaha tahriibka xeebaha labada dal.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa booqday xerada tababarka ciidanka ilaalada xeebaha Jabuuti iyo maraakiibta dagaalka ee dalkaasi.

Taliyaha iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha, ayaa socdaalka shaqo ee ay ku joogaan Jabuuti, waxaa uu la xidhiidhaa iskaashiga labada dal gaar ahaana dhinaca amaanka guud ee biyaha iyo ilaalinta danaha labada wadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here