Somaliland iyo Itoobiya oo Iska Kaashanaya Xakameynta Cudurka Dabaysha

0
1052

Tog-Wajaale (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cali Cabdilaahi Bedde iyo wefti Dhakhaatiir ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhey magaalo ganacsiyeedka Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley, Waxaanu xuduudka u dhexeysa Dalalka Somaliland iyo Ethiopia kusoo dhoweeyey wasiirka caafimaadka ee dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo maamulka magaalo xuduudeedka Tog-Wajaale.

Ujeeddada socdaalka Wasiirka ayaa salka ku haysa ka qayb galka munaasibad lagu daah furayo ololaha la dagaalanka cudurka Dabaysha oo ay iska kaashanayaan dawladdaha Somaliland iyo Ethiopia.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilahai Bedde oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in socdaalkiisu salka ku hayo ololaha la dagaalanka cudurka Dabaysha oo ka bilaabmi doona degmooyinka ku teedsan xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia , ayna labada dawladood ka wada shaqeynayaan ololahan.

Wasiirka ayaa sheegay in iskaashigani uu salka ku hayo heshiiskii ay hore Somaliland iyo Ethiopia ay u wada gaadheen oo ahaa mid dhinacyo badan taabanayey , sida iskaashiga Dhaqaalaha ,siyaasadda, ganacsiga iyo caafimaadka.

Waxa isna geestiisa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Caafimaadka dawlad degaanka Somalida Ethiopia  ayaa sheegay in ay isugu yimaadeen dawladdaha Somaliland iyo Ethiopia cidhibtirka cudurka Dabaysha oo talaalkiisa la bilaabi doono.

 

HargeisaPress News Desk – Tog-Wajaale

LEAVE A REPLY