Somaliland iyo Itoobiya oo Baadhay Kiiska Xildhibaan Sheegay In Loo Adeegsaday Sirdoonka Itoobiya

0
2851

Hargeysa (Hargeisa Press) – Dowladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo leh iskaashi dhinaca Amniga ah, ayaa sameeyay Baadhis la xidhiidha fal Afduub ah oo Xildhibaan ka mid ah Golaha Wakiillada ee cusub ee Somaliland loogu geystay Magaalada Addis Ababa.

Xildhibaan Musate Axmed Cabdillaahi oo Xisbiga KULMIYE uga soo baxay Gobolka Sool, ayaa habeen hore sheegay in Rag ka mid ah Sirdoonka Itoobiya ay isku dayeen inay ku qafaashaan Magaalada Addis Ababa, isagoo arrintaana ku eedeeyay in Xukuumadda Somaliland ku lug lahayd, maaddaama buu yidhi uu taageeray Isbahaysiga Mucaaradka, si marka la gaadho doorashada Shir-guddoonka cusub ugu codeeyo Xubnaha ay Mucaaradku u soo xuleen Shir-guddoonka.

Xildhibaanku wuxuu sheegay inuu ka bedbaaday Iskudaygaas, isla-markaana uu si dhuumasho ah uga soo baxay Addis Ababa, kuna yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Arrintaasi oo sababtay Hadal-hayn badan, maaddaama oo falkaasi uu yahay mid culus oo haddii uu jiro saamayn kara xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa labada Dowladood ee Somaliland iyo Itoobiya sameeyeen baadhis ay ku ogaanayaan jiritaanka Warkaa uu Xildhibaan Mustafe uu Warbaahinta mariyey markii uu Hargeysa ku soo laabtay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in baadhitaanka ay labada dawladood sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in aanay waxba ka jirin cabashada Xildhibaan Mustafe ee ah in Dawladda Somaliland ay isku dayday inay ku afduubto Addis Ababa, iyadoo adeegsanaysa Sirdoonka Itoobiya.

Wasiir ku-xigeenka Amnigu wuxuu  intaa ku daray, in Dowladda Somaliland aanay marnaba ogolayn in Xildhibaanadeeda iyo shacabkeeda lagu waxyeeleeyo waddan kale ama Afduub loogu geysto, isagoo xusay in baadhista ay wada sameeyeen Dowladda Itoobiya lagu soo xaqiijiyey inaanu jirin falkaa uu Xildhibaanku sheegay in lagula kacay oo uu yahay Been Abuur siyaasadeed.

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid, sidoo kale wuxuu sheegay in Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Itoobiya oo arrintan kala xidhiidheen u soo dirtay Warqad ay ku beeninayso jiritaanka Warka Xildhibaanku uu Warbaahinta mariyey.

Wuxuu sheegay in Xildhibaan Mustafe laga rabo in uu xeer ilaalinta iyo ciidamada dambi-baadhista Somaliland kala shaqeeyo sidii looga sal gaadhi lahaa dhacdada isku dayga afduub ee uu ka cabanayo.

Geesta kale, wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa waxaa uu sheegay in warqad ku saabsan arrinta Xildhibaanka ay u gudbinayaan xeer ilaalinta iyo ciidanka dambi-baadhista Somaliland.

LEAVE A REPLY