Somaliland iyo Ghana oo kala saxeexday heshiis is-afgarad ah

0
1806

Accra (Hargeisa Press)- Toddobaadkii hore, waxaa magaalo madaxda Ghana ee Accra, ka qabsoomay kulan sare oo ku wajahan xoojinta iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ghana.

Wefti sare oo ka socday Somaliland, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Ghana, iyagoo halkaas u tegay inay saxeexaan heshiis is-afgarad (MoU) ah oo dhexmara xarunta waddaniyadda Somaliland (Centre for Civic Education (SCCE) iyo hay’adda wacyigelinta waddaniyadda Ghana.

Wefdiga Somaliland oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Baarlamaanka iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland, waxa sidoo kale qayb ka ahaa Agaasimaha Xarunta wacyigelinta waddaniyadda Cabdirisaaq Yuusuf Jaamac, iyo xubno kale oo sare.

Heshiiska labadaas Xarumood oo ka qabsoomay Aqalka Baarlamaanka Ghana, halkaas oo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi, Alban Bagbin, uu si karaamo leh ugu qaabilay weftiga Somaliland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ghana Alban Bagbin, waxa uu bogaadiyey dedaalka Somaliland la xidhiidha  horumarinta wacyigelinta waddaniyadda isagoo muujiyey in Baarlamaanka Ghana uu diyaar u yahay inuu si buuxda u taageero iskaashiga labada dal. Waxaanu tilmaamay in iskaashigaasi uu wax ka tari karo isgarabsiga qaarada Afrika.

Dhinaca kale, weftiga Somaliland, ayaa waxaa ay muujiyeen siday ula dhaceen horumarka dalka Ghana.

Nuux Cabdi, oo ka mid ahaa weftiga ka socday Somaliland, ayaa sheegay inay soo jiitay sida ay isula jaanqaadaan Hay’adaha dimuqraaddiyadda waddanka Ghana. Waxaanu xusay inay ka faa’iidatsan doonaan waayo-aragnimada dalkaasi si ay u dabaqaan.

Kathleen Addy, oo ah Guddoomiyaha wacyigelinta waddaniyadda Ghana, ayaa sheegtay in Somaliland ay danaynayso sidii ay labada dal iskaashi kala duwan u yeellan lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here