Somaliland: Hooyo Iyada oo Codeyneysa Ay Fooshu Qabatay

0
2709

Hargeisa (Hargeisa Press) – Hooyo kamid ahayd dadkii codkooda ka dhiibanayay doorashada isku sidkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee saaka qabsoontay Somaliland, ayay foosha qabatay xilli ay safka ku jirtay.

Hooyadan oo ku jirtay safka codeynta, ayaa doonaysay inay codkeeda ka dhiibato doorashada goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyadoona ka codaynaysay xaafada Daami ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Hooyadan oo isku diyaarinaysay inay u codeyso Barkhad Jaamac Batuun oo ah murrashax u tartamaya doorashada golaha deegaanka Hargeysa,  ayaa umushay Wiil, waxaanay u bixisay wiilkaas Barkhad oo ay ugu magac dartay murrashaxaasi oo ay codkeeda siinaysay.

Dhacdadan oo ah tii ugu horeysay ee ka dhacda Somaliland, ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo deegaanada Soomaalida.

Waxaa si habsami leh Somaliland uga soconaya doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka oo saaka guud ahaan dalka looga dareeray.

Doorashadan, ayaa waxa ay noqonaysaa tii todobaad ee Somaliland ka dhacda, Markii ugu horraysayna waxaa tartanka doorashada ka qeybgalaya xubno ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland.

LEAVE A REPLY