Shirkada SO! sogasho Oo Xarun Cusub Ka Furatay Degmada Arabsiyo

0
1754

Arabsiyo(Hargeisapress)-Shirkada Isgaadhsiinta Casriga ah ee SO!gasho ayaa waxa ay xarun cusub ka furatay magaalada Arabsiyo,

 
xaruntani ayaa waxa xadhiga kajaray masuuliyiinta ugu saraysa Shirkadda SO! sogasho iyo masuuliyiinta dagmada Arabsiyo iyadoo halkaasi ay bulshadii ka soo qaybgashay xaflada furitaanka la gudoonsiiyay adeega 4G ee MIFI oo ay bakhtiyaa-nasiib ku heleen qaarka mida bulshada dagen Degmada Arabsiyo,
Madashani lagu daah-furaayey xaruntani cusub ee shirkadu ayaa ugu horayn madasha hadalo kooban kasoo jeediyey Madaxa Suuq-gayanta Ee Shirkada SO! Xamse C/laahi Caydiid oo ka waramay shirkada SO! iyo adeegyada ay bixiso ee dhinaca intarnetka isagoo bulshada reer Arabsiyo ugu bushaareeyay in ay u fureen xafiiskii Shirkada ee ugu adeegi lahaa in ay helaan adeegyada ay shirkadu bixiso ee internetka xawaaraha badan ee xadhiga Fiber ka iyo adeega Wireless-ka ee 4G MIFI ga iyo SO banka shirkaduna hada ay si toosa uga shaqaynayso degmadan Arabsiyo .
Xoghayaha Dawlada Doose ee dagmada Arabsiyo Maxamed Giriyaad ayaa isna madasha ka hadlay oo sheegay in dagmadu baahi wayan uqabtay adeega jaban ee internetka ee ay shirkadu bixiso iyo xadhiga awooda badan ee Fiberka deegaan ahaana ay soo dhaweeynayaan shirkada SO! loogana baahanyahay in shirkadu ay wax ku soo celiso bulshada deegaanka bulshadana kula dardaaray in ay isticimaalaan kulana xidhmaan adeegyada shirkada SO!.
Maxamed Jabiiba oo ah madaxa waaxada arabsiyo ee shirkada SO! so gasho oo madasha ka hadlay ayaa u ubalan qaaday macaamiisha shirkada ee xaruntani in ay ugu shaqayan doonaan habcasriya oo soodhawayanteedu heersarayso si hufana loogu shaqayandoono una balanqaaday bulshada deeganka in uu saxiibdhaw la ahaan doono waxbadan u qaban doonaan deegaanka.
Gabogabadii waxa madasha lagu soo bandhigay bakhtiyaanasiib ay ku tartamayaan bulshada dagen Arabsiyo iyagoo Bakhtiyaa-nasiib u galay waraaqo lagu helayay 4G MIFI shirkada SO! iyadoo madashana lagu gudoonsiiyay shantii qof ee ku guulaystay abaalmarinta 4G ee MIFI waxana sidoo kale loo qaybiyay garamaan iyo koofiyado ay ku xardhantahay shirkada SO! so gasho halkaana waxa xadhiga si rasmiya uga jaray Maareeyaha Ganacasiga ee shirkada SO!gasho Maxamed Axmed Ibraahim Fudhile

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here