Somaliland: Guurtida Oo Kulan la Yeeshay Maamulka Shirkadda Sompower

0
554

Hargaysa (HP): Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka shirkadda laydhka ee Sompower.
Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir.
Waxaanu sheegay in sannadihii u dambeeyey ay diyaarinayeen sidii ay u xalin lahaayeen caqabado ka horyimid biyo ballaadhinta caasimada Hargeysa.
Geesta kale, maareeyaha shirkadda Laydhka ee Sompower Cabdillaahi Maxamuud Ibraahin (Cabdilaahi Beershiya), oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay intii ay socotay biyo ballaadhinta caasimaddu in ay kala shaqeynayeen wakaaladda biyaha ee Hargeysa.


Waxaanu xusay in aanu jirin wax khilaaf ah oo dhexmaray iyaga iyo wakaaladda biyaha ee caasimadda, wuxuuna intaas ku daray in marka ay dhigayaan kaybalada ay adeegsadaan habraacyada iyo hagayaasha badqabka korontada oo ay soo saartay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY