Somaliland: Gudoomiyaha Guurtidda Oo Ka Hadlay Doorashooyinka

0
953

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimaadda doorashooyinka Wakiilada iyo goleyaasha degaanka ee dalka.

Waxaanu sheegay in doorashooyinku ay u muddaysan yihiin xilligii loo qabtay, isla markaana aanay weli jirin wax muddo kordhin ah oo loo soo gudbiyay golaha Guurtidda.

Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu tilmaamay in ay  ka war sugayaan haddii ay qabsoomi wayaan doorashooyinka marka madaxweynuhu u soo gudbiyo ee ay cadaato in aanay doorashooyinku ku qabsoomayn xilligii loogu talo galay.

 

Guddoomiyaha golaha Guurtidda oo maanta weriyeyaasha Hargaysa kula hadlay isagoo  arrimahaas ka hadlayay waxa uu yidhi “Doorashaddu wakhti ayay leedahay. Wakhtigeedii-na way u muddaysan tahay.

Illaa hadda madaxweynihii qaranku isaga ayaa nabadgeliyadda iyo qabashadda doorashada ka masuul ah, namuu odhan  wakhtiga doorashadii ma qaban karo.

Annaga-na in doorashadda bisha December la gelayo ayay noogu mudaysan tahay. Markaa madaxweynuhu haddii aanu qaban karaynin ka hor degimayno, ee waynu sugaynaa intuu odhanayo lama qaban karo.

Mid ayuun baan se idiin sheegayaa, waxa weeye hore-na way u dhici jirtay, maanta-na dhicimayso in dalku dawladd waayo”.

“Hadii la qaban kari waayo doorashadda ahlan, wa sahlan. Hadii kale-na sidii awalba falka loo qaadan jiray qaran ahaan ayaynu ku qaadanaynaa.

Guurtiddu-na ereyga ugu danbeeya ayay leedahay, oo marka madaxweynuhu yidhaahdo ma qaban karrno, waanu la eegeynaa.

Hadii la qaban karayana, waxaanu leenahay hala qabto,  haddii aan la  qaban Karin-na,  waanu ku raacaynaa,  ee weli namuu odhan. Markaa ha deg deggina”ayuu yidhi guddoomiyaha Guurtidda Somaliland.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here