Somaliland: Gudida Ilaalinta Hantida qaranka Oo Goleyaasha Deegaanka Ku Eedeyay Lunsiga Hanti badan.

0
1007

Xildhibaan Naasir Cali ShireHargeysa,(HargeisaPress) — Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Golayaasha deegaanka ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka ay ka jirto hanti lunsi iyo musuqmaasuq badan, isla markaana wuxuu sheegay inay Wasiirka arrimaha gudaha kala hadleen in Xildhibaanada Golaha deegaanku u madax-banaanadaan sidii ay Maayarada u badelilahaayeen.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta Golaha Wakiilada ee magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha kulan la yeesheen ay kaga hadlayeen xaaladaha dalka ka taagan. “Anagu waxaanu Wasiirka ka waraysanay waxyaabo badan oo dad weynuhu tabayeen, oo ku saabsan Wasaaradda arrimaha gudaha. Kulankani waxa uu noqonayaa kii u horeeyay ee Guddidu la yeelatay Wasiirka,”ayuu yidhi Xildhibaan Naasi Cali Shire oo ka mid ah Guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaran ee Golaha Wakiilada Somaliland oo shalay la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Waxa Xildhibaanku intaa sii raaciyey oo uu yidhi,“Arinta ku saabsan Gobolada iyo Degmooyinka oo waqtiyadii u dambeeyay aad ogaydeen inuu dhex-yaalay khilaaf, kaas oo ahaa inay go’aan ka gaadhi karayn   Xildhibaanada Golaha Deegaanka dalka. Waxaanu isla qaadanay Wasiirka in loo fasaxo oo Gobolada iyo Degmooyinka ay badelikaraan Maayarada, waxaana runtii aanu u arragnaa inuu yahay go’aan aad u fiican. Sidii looga wada shaqayn lahaa dawladaha hoose oo ay ka jirto musuqmaasuq farabadan, markaa taasna waanu isla afgaranay.”

Sidoo kale, Xildhibaanku wuxuu sheegay in Cali Waran-cadde ay ka wada hadleen sidii xeerka diwaangelinta codbixiyaasha muwaadiniinta la soo mariyo Golaha Wakiilada wuxuu yidhi, “Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay in diwaangelinta la soo mariyo Golaha, sidii horeba u dhicijirtay, arrintaana waanu isku afgaranay.”

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed waran-cadde oo isna wax laga waydiiyey khilaafka iyo is qab-qabsiga ka dhex dhaca Golayaasha deegaanka ee dalka Somaliland wuxuu ku jawaabay. “Golaha deegaanka wareegto ayaan ka soo saaray sannadkii hore, waxaana soo saaray in wax dacwad ah lagu soo oogin Maayarada. Waxaana uga jeeday had iyo jeer marka la doorto Golaha deegaanka waxay bilaabaan is qab-qabsi, dabadeed waxa uu niyadjab ku dhacaa dadkii soo doortay, markaa in la daayo oo waqti la siiyo ayay iga ahayd iyo sidii lagu ogaado Ninka shaqaynaaya iyo Ninka kale. Markaa wareegtada waqtigaasi way koobnayd, waanay dhamaatay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY