Somaliland: Guddiga Qandaraasyadda Oo Soo Bandhigay Tartan Loo Gelayo Dhisme Cusub

0
838

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddiga qandaraasyadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta soo bandhigay tartan loo gelayo dhisme cusub oo loo dhisi doono hay’adda ka hortaga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka.

Madashii lagu baahinayay tartankan qandaraas waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland, agaasimaha guud ee guddigaasi iyo guddoomiyaha hay’adda ka hortaga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka.

Sidoo kale waxaa halkaas joogay qaar ka mida masuuliyiinta shirkadaha tartanka u gelaya qandaraaskan dhismaha cusub loo gelayo.

Nuux Maxamed Xuseen, guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland oo ugu horayn  halkaas ka hadlay ayaa sharaxay qandaraaskan ay soo bandhigeen. Waxaanu u balan qaaday shirkadaha ka qayb gelaya tartankaasi in ay si daah-furan oo caddaalad ah u kala xuli doonaan.

“Maanta oo ay bishu tahay 20-ka bisha saddexaad sanadka 2019-ka, waxaanu furnay  qandaraaska dhismaha xarunta hay’adda Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland.   Waxaa ku soo tartamay 15 (shan iyo toban) shirkadood”ayuu yidhi Nuux Maxamed Xuseen.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanu idiin balan qaadaynaa in aanu si daahfuran, oo caddaaladi ku jirto, in aanu u kala xuli doono shirkadahaas ku soo tartamay. Waxaan iyo aad ugu mahad celinayaa shirkadaha sida waddaniyadu ku jirto, go’aamadda guddiga qandaraasyadda qaranka u qaata”.

Sidoo kale guddoomiyaha hay’adda ka hortaga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo isna halkaas ka hadlay  ayaa ku amaanay guddiga qandaraasyadda sida dhex-dhexaadka ah ee ay u kala saaraan.

Guddoomiye Faysal Cali Sheekh, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka ee (NEDFORD), oo loo dhisayo xarun  cusub, in ay si daah-furan oo dhex-dhexaad ah ay uga soo qayb galaan dhamaanba shirkadaha ku tartamayaa.

Aad baanu runtii ugu hambalyaynaynaa  guddida qandaraasyadda qaranka  oo mar walba intii ay shaqadan joogeen, kaalin muhiima ka galay qaranka. Qandaraasyada-na, runtii si caddaalad ah  oo daah-furan u qabta. Aad iyo aad ayaan ugu amaanayaa”.

Agaasimaha Guddiga qandaraasyadda qaranka Maxamed Axmed Xasan (Jeberti), ayaa isna halkaas ka hadlay waxaanu faahfaahin ka bixiyay qandaraaskan ay baahinayaan.

“Qandaraaskan oo hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka dhismaha cusub ee loo dhisayo ayaanu maanta (shalay) halkan ku shaacinaynaa xarunta guddiga qandaraasyadda qaranka.

Iyadoo ay nala joogaan guddoomiyihii iyo guddoomiye ku-xigeenkii  hay’adda ka hortaga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka  ay nala joogaan” ayuu yidhi agaasime Jeberti.

Dhinaca kale qaar ka mid ahaa masuuliyiintii ka socday shirkadaha ka qayb qaadanaya tartankaasi oo ka dareen celiyay tartankan ay gelayaan ayaa ku bogaadiyay guddiga qandaraasyadda qaranka hanaanka caddaaladeed ee ay u soo bandhigaan qandaraasyadda ay baahiyaan.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY