Somaliland: Guddiga Qandaraasyadda Oo Shaaciyay Shirkado Guulaystay

0
500

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddida qandaraasyada qaranka Somaliland ayaa maanta shaaciyay sideed shirkadood oo ku guulaystay mashaariic kala duwan oo laga hirgalin doono gobolada iyo degmooyinka dalka.

Shaacinta mashaariicdan oo ka qabsoontay xarunta guddiga qandaraasyadda waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda, xubno ka tirsan guddiga qadaraasyadda qaranka iyo agaasimaha guud ee qandaraasyadda.

Nuux Maxamed Xuseen, guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda ayaa ku dhawaaqay sideedda shirkadood ee ku guulaystay mashaariicdaas oo kala ahaa,  shirkada Caalim Construction oo ku guulaysatay dhismaha Waadhka Dumarka ee  Cusbitaalka guud ee Hargaysa.

Shirkada Brothers Construction, oo ku guulaysatay dhimaha guriga shaqaalaha ee Kastamka Abaarso. Shirkada Bushaaro Construction,  oo ku guulaysatay Dhismaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Gobolka Sool.

Shirkada Anduluus Construction, oo iyana ku guulaystay dhismaha xarunta wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee laga hirgelinayo Laas-geel iyo Dhagax Guure. Shirkada Hal-san Construction, oo  ku guulaysatay dhismaha guriga shaqaalaha ee Kastamka Saylac.

Shirkada Naasahablood Construction, oo iyadna  ku guulaystay dhismaha hoolka Wasaaradda Maaliyadda ee Lawyo-cade, iyo shirkada Naasahablood Construction, oo  ku guulaystay Dhismaha han-garka Caasha-cado,  manay Jirin cid kula tartantay.

Shirkada Dhool, iyadna waxay ku guulaystay Dhismaha Dayactirka iyo dib u habaynta xarunta wasaaradda horumarinta caafimaadka ee caasimadda Hargaysa.

Dhinaca kale waxaa halkaas ka hadlay masuuliyiin ka socday shirkadihii ku guulaystay qandaraasyadan iyo kuwii laga guulaystay oo ku amaanay guddida qandaraasyada qaranka hannaanka daah-furnaanta leh ee ay qandaraas bixintan u mareen.

Gebagabadii, waxaa halkaasi ka hadlay  Cabdi Giire iyo Maal,  oo ka mid ah xubnaha guddida qandaraasyada qaranka oo ka waramay siyaasadda xafiiska qandaraasyada qaranka ee ku waajahan sidii hanaan cadaalad ah loogu kala saari lahaa shirkadaha iyo hay’adaha ka qayb qaata tartamadda qandaraasyadda ay bixiyaan.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY