Somaliland: Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebtista oo Hawlgal ay Sameeyeen ku Xidhxidhay Dad Xaaraan Cunayey

0
987

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Jamuuriyadda Somaliland, ayaa xidhay dad ay ku qabteen xaaraan ay u cunayeen maalinta bisha ramadaanta, kuwaasoo bulshada ugu baaqay inay la-dagaalamaan xaaraan-quutayaasha iyo goobaha xaaranta lagu kariyaba. Masuuliyiinta sare ee Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista oo saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalkooda ay kula dagaalamaan dadka xaaraanta isticmaala maalmaha bisha Ramadaan.

“Waxyaabaha Guddidu qabtaan bisha ramadaanta, waxa ka mid ah inay kula dagalamayaan xaraanta la karinayo iyo dabka la shidayo ee beenta ah. Qofka lagu qabto wax ayaan u sheegnaa marka hore oo waan u nasteexaynaa, haddii ay diidaana waanu qabanaa oo sharciga ayaan ku fulinaa, waxaanan shacbiga reer Somaliland ka codsanayaa inay la soo hadlaan telefoonnada xafiiska haddii ay arkaan meelaha lagu shidayo dab xaaraan ah.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Sheekh Cabdiraxmaan Muxamed Cabdalle, isagoo intaas ku daray; “Qolada iibiya qaadka ama jaadka, waxa aan leeyahay iibkiisu waa mid iyaga u taal, laakiin, mafrishyada ama goobaha lagu qayilo maalintii haddii aannu u nimaadno marka hore nasteexo ayaan siinaa, haddii ay diidaana sharciga ayaan horgaynaynaa.”

Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebtista
Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebtista

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah culimada Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista, isagoo faahfaahin ka bixiyey qaabka ay ula dagaalameen dadka xaaraanta kariya maalmaha lagu jiro bisha ramadaan, waxaannu yidhi; “Dadka xaaraanta kariyaa way sii yaraanayeen sannadba sannadka ka dambeeya, markii aanu isla rafaadnay ee wixii ay weel hayeen raafnay oo iyaga xidhxidhnay ee qofkii khasaare ka bixi waayay ee sannad kasta khasaare-u-joog noqdeen way iskaga baxeen inay xaaraan kariyaan, waxa joogsaday hillibkii Geella markii aanu hawlgalka qaadnay, haddana sannadkii danbe waxa joogsaday hilibkii adhiga markii aannu joogtaynay hawsha, waxaanna markii xigtay joogsaday bariiskii iyo baastadii, iyadoo aannu la tacaalnay saanbuusaha iyo quraaca maalintii la cuno, waxa kaloo xigtay in aannu aragno raashin safari ah oo dumarku tunka ku soo qaadaan oo ay meelaha xaaraanta lagu cuno ku iibiyaan, kuwaasna waannu cidhibtirnay.

Waxa kaloo uu Sheekh Ismaaciil caddeeyey in hawlgal ay ay sameeyeen ku xidheen laba qof oo lagu qabtay xaaraan, waxaannu yidhi; “Sannadkan aynu joogno maanta, waxa aannu qaadnay hawlgal ballaadhan oo ku beegan degaanka Masalaha ilaa Haleeya oo ah koonfurta iyo bariga Hargeysa ayaannu marnay, gaadhigaas iyo askartaas ayaa wareegayay meel hadda sannadkan dab lagu shidayo maanu arag, laakiin nin qayilaya mooyaane cid kale maanu arag, kaasna waannu xidhnay, waxa kaloo aanu xidhnay nin quraac iyo biyo ku dhex cunayey dad sooman, waxaanan u sheegaynaa dadka muslimiinta ah in aan qofna lagu qaban doonin gardaro oo dad islaam ah ayeynu nahay ee waa in aynu iska ilaalino xaaraanta.”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY