Somaliland: Fadhi Al-baabadu U Xidhnaayeen Oo Mudaneyaasha Wakiiladu Yeesheen

0
1162

wakiiladaHargeysa, (HargeisaPress) — Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta yeeshay kulan Albaabadu u xidhan yihiin, kaasi oo lagu lafo guray sidii Xildhibaanada iyo Shir gudoonku iskaga laab-xaadhan lahaayeen Khilaafkii dhawaan kala dhex galay.

Kulanka oo mudo saacado ah socday Warbaahintuna dibad joog ka ahayd waxaa lagu falanqeeyay sidii Khilaafaadka Golaha ee soo noqnoqday looga taxadari lahaa inuu dib u soo noqdo, sidii Goluhu hawlihiisa shaqo u labanlaabi lahaa iyo in la iska iloobo wixii khilaaf iyo hadal xanaf leh hore u dhex maray labada dhinac ee wakiiladu u qaybsamay.

Gudoomiye xigeenka 3-aad ee Wakiilada Cali Aw-yuusuf Axmed, ayaa kulanka ka dib warbaahinta u sheegay in kulanku ku soo dhamaaday niyad samaan, layskuna afgartay in Hawlaha golaha horyaala wada jir looga shaqeeyo.

“Waxaa jirtay maanta in Golaha Albaabadu u xidhnaayeen oo aan Saxaafadda loo Ogolaanin, sababtuna waxay ahayd Shirgudoonka iyo Xildhibaanada oo islaab xaadhanayay oo Heshiiskii ka dambeeyay Dhibaatadii iyo isqabsashadii yarayd ayay ka wada hadlayeen, waana la iswada saamaxay, waxaana lagu heshiiyay in Shaqada Golaha la dardar galiyo oo ka qayb qaadashada la wanaajiyo, oo mudadaa yar ee inoo hadhay loo wada shaqayn lahaa” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka 3-aad.

Mudane Cali Aw-yuusuf, waxa uu sheegay in dhamaan dhinacyada isku hayay golaha wakiiladu u mahadceliyeen Guurtida, qaateena Khiladka Khilaafkii dhacay “Golaha Wakiiladu dhamaantii Khaladkii waanu wada qaadanay, in la hagaajiyana waanu ku heshiinay, waana waxaynu kaga duwanahay Somalia”

Mudane Cali Waxa uu sharaxay qodobada ugu muhiimsan ee Goluhu degdeg uga shaqayn doono “Imika laba arimood oo degdeg ah ayaa noo yaala, mid waa Miisaaniyadda qaranka in degdeg loo dhameeyo, mida labaadna waa Komishanka, labadaasiba Ahmiyadooda ayay leeyihiin, umadduna way naga sugaysaa inaanu degdeg  u dhamaynana waanu ku heshiinay”.

Golaha Wakiilada ayaa Shalay si rasmi ah u furmay ka dib markii Khilaaf hadheeyay Golaha Guurtidu xallisay,iyadoo la filayo in maalmaha soo socda la meel mariyo Arimaha doorashada ka qabyada ah sida Komishanka oo aan wali la ansixin iyo Miisaaniyadda Qaranka.

LEAVE A REPLY