Somaliland: Dhismaha Biriijka Dooxa Dacar-budhuq oo Lagu Ibo-furay Bilawga Hirgelinta Mashruuca Berbera Corridor

0
1301

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan oo kormeeray bilawga dhismaha jidka isku xidhaya Berbera iyo Itoobiya

Hargeysa,(HargeisaPress)—Dhismaha jidka isku xidhaya dekedda Berbera iyo dalka Itoobiya oo qayb ka ah mashruuca Berbera Corridor, ayaa si rasmi ah u bilaabmay toddobaadkan, iyadoo hawshaas lagu ibo-furayo dhismaha biriijka dooxa weyn ee Dacar-budhuq.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland shalay, waxa hadda socda dhismaha jid loogu talogalay in baabuurtu si ku-meel-gaadh ah u isticmaalaan inta lagu jiro dhismaha biriijka dooxa Dacar-budhuq.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa kormeer shaqo ku tegay halka ay ka socoto bilawga dhismaha marinka isku xidha Berbera iyo Wajaale ee loo yaqaano (Berbera Corridor), iyada oo biriishka Dacar-budhuq noqday biriijka mashruucan laga bilaabayo.
Injineerada gacanta ku haya dhismaha biriishkan oo halkaasi ka hadlay, ayaa xusay inay muddo toddoba maalmood ah ku dhammayn doonaan waddo ay sida ku-meel-gaadhka gaadiidku u isticmaalayaan muddada la dhisayo biriijka dooxa Dacar-budhuq.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cabdillaahi Abokor oo munaasibadaasi ka hadlay, ayaa xusay in biriijyadu muhiimad gaar ah u leeyihiin mashruucan dhismaha Berbera Corridor, arrintaas oo uu tilmaamay inay qayb ka ahayd waxyaabihii uu Madaxweynaha Somaliland ka codsaday Dowladda Imaaraadka Carabta.

“Sida Madaxweynuhu sheegay, innaga waxa mudnaan inoo ah biriishyada oo ah arrin muhiim ah, waana qorshaha qaranka, waddaduna waxa ay ka kooban tahay lix qaybood oo qayb ka mid ah tahay biriishyada, shanta qaybood ee kale shirkadda waa lagala shaqaynayaa, si meeshaasi loo dhiso waa in la helaa meel ay dadku sii maraan, runtiina si fiican ayey u dhisayaan, waxaanay ballanqaadeen inay ballaadhan doonaan haadka, isla markaana ay si fiican u garaaci doonaan si ay ugu fududato gaadiidka culus ee waddada maraya,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan.

Badhasaabka Gobolka Maroodijeex oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Biriishkan waxa la bilaabay 15 March 2019, waxa ay socotay maanta (Axaddii shalay) ku saddex cisho oo toddobaad ayaa lagu gabagabaynayaa waddadan ku-meel-gaadhka ahaanta u isticmaalayaan gaadiidku inta uu socdo biriishku.”

Waxa kaloo uu Badhasaabku ka hadlay dhibaatooyinka dooxyadu ku hayaan gaadiidka iyo dadka rakaabka ah, waxaannu yidhi; “Dooxyada dhibaatooyin badan ayaa ka dhacay oo dooxa Awbarkhadle sannadkii 2018-ka, waxa uu qaaday 6 gaadhi oo waaweyn, markaa dadka leh waxbaa la dhagax-dhigayaa oo waxba suurtogali maayaan waxa aan leeyahay qarankani horumar ballaadhan buu ku tallaabsaday intii uu jiray.”

Badhasaabka Gobolka Saaxil oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in biriijka laga dhisayo dooxa Dacar-budhuq uu yahay mid muhiimad gaar ah leh, waxaannu yidhi; “Buundadan aan taaganahay haddii aan ahay Badhasaabka Saaxil waxa ay ii leedahay qiimo aad u muhiim ah oo waxa ay isku xidhaysaa Gobolkayga iyo Gobolka Maroodijeex. Dhibta naga haysata haddii aannu reer Saaxil nahayna waa la ogyahay. Dad badan ayaa waxa ay odhanayaan wax la dhisayaa ma jiraan ee dhagaxaanbaa meelahaasi la iska dhig dhigaa, markhaati in loo wada taagnaado oo hadda la inoo sheegay in marka tan la dhammeeyo tii kale bilaabmayso aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa.”
Waxa kaloo halkaas hadallo ka jeediyey Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Degmada Laas-geel, kuwaasoo xusay muhiimadda biriishyadu u leeyihiin isku socodka magaalooyinka dalka Somaliland, iyagoo tilmaamay in biriijyadu fududayn doonaan hawlo badan oo xannibmi jiray xilliyada roobka, isla markaana gaadiidka iyo dadkuba si fudud u isticmaali karaan dooxyada marka laga dhisayo biriijyada qaybta ah mashruuca Berbera Corridor.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

Hargeisapress@gmail.com  

LEAVE A REPLY