Somaliland: Degmo Ay Ku Nool Yihiin 147 Qof Oo Xanuunka Dhimirka Qaba

0
1289

Dacar-budhuq (Hargeisa Press.com): Degmada Dacar-budhuq ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxa ku nool 147 qof oo dhammaantood  qaba xanuun Dhimirka.

Sidaasna waxaa sheegay guddoomiyaha degmada Dacar-budhuq, Mustafe Jebiye oo tuulada Laasgeel ee dalxiiska loo tago war-bixin ku siinayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,  oo todobaadkii hore degaankaas booqday.

Guddoomiyaha Dacar-budhuq  wuxuu sheegay in degmadaasi ay hoos yimaadaan  33 Tuulo oo ay ku nool yihiin 147 qof oo dhimirka ka buka oo liiskooda la hayo,  kuwaasoo qaarkood ay isku qoys yihiin.

Guddoomiyaha degmada Dacar-budhuq, Mustafe Jebiye  isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi

“Degmada Dacar-budhuq waxay ka kooban tahay 33 Tuulo, madaxweyne intaa aan kuu sheegay (Tuulooyinka) 147 qof oo maskaxda ka buka  ayaan liiskooda hayaa, sababta keentay maanu baadhin.

Laakiin,  waa qadar Illaahay.  Dadka qaar Qaadka ayaa waalay, guri baan ugu tagay afar qof oo waalan oo hooyo keliya wada dhashay. Guri Dacar-budhuq ah waxaan ugu tagay 3 qof oo iyagna wada dhashay.   Dadkaasi waa dadkii degaanka iyo dad kale oo nala yaalla”ayuu yidhi guddoomiyaha Dacar-budhuq.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay jiraan dadka xanuunsanaya ee degmadaa ku nool ka sekow ay jiraan dad kale oo iyagna xanuunsanaya oo dhanka Badda u socda.

Kuwaasoo wadada Laamiga ah soo mara.  Waxaanu yidhi “Waxaad mooddaa in xeebta wax yaallaan. Waayo? qofka ka yimaadda halka Somaliland ugu shishaysa waxaad arkaysaa isagoo Laamida lugaynaya (ku socda Xeebta), xaruntooduna waa Berbera.

Malaha Jinku Badda ayuu deggan yahaye, Madaxweyne waan wayso qabaa oo been kuu sheegi maayo’e’ maalintii afar qof oo waalan baa maraya Laamidan”.

Guddoomiyaha Dacar-budhuq wuxuu Madaxweynaha ka codsaday inuu arrintaa wax kala qabto “Madaxweyne Magacaaga Allaah ha raajiyee waxaanu doonaynaa arrintaa waxaad ka qaban karayso, in aad nagala qabato”.

Dhinaca kale Somaliland ayaa waxa ku badan dadka qaba xanuunnada maskaxda, dhakhaatiirtuna waxay ku sababeeyaan cunista qaadka iyo dagaalladii badnaa ee soo maray wadanka.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY