Somaliland: Colaad U Dhaxaysay Laba Beelood oo La Soo Afjaray

0
212

Saylac (Hargeisa Press)- Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay gaadheen degmada Wadajir ee magaaalada Saylac, hakaasi oo ay ka dhacday shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxaysa laba beeleed oo halkaasi wada dega.

Wasiiradan gaadhay degmada Saylac ayaa waxaa kala ah Wasiirada wasaaradaha Gaashaandhiga, Biyaha, Caafimaadka, iyo Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha iyo Hogaanka hawl gelinta Ciidanka Booliska.

Dhinaca kale, Xubnahan Wasiirada ah ayaa waxa ay soo afjareen colaada u dhaxaysa labada beeleed ee wada dega deegaanka Wadajir ee degmada Saylac.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY