Somaliland: Ciidamada Qalabka Sida Qabiil Ma Leh

0
5288

Sida ummad kasta oo ka jirta dunida, ummadda Somaliland waxay u qaybsantahay Rayid iyo Ciidan. Rayidku waa shacabka caadiga ah ee aan hubka sidan. Ciidanku waa ciidamada hubka sida ee loo yaqaan Ciidamada Qalabka Sida. Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland waxay u xilsaaranyihiin, waajibkooduna yahay inay difaacaan dalka iyo dadka iyo inay sugaan nabadgelyada gudaha, waxayna u kala baxaan: Xoogga Dalka Somaliland, Ciidanka Boliiska Somaliland, Ciidanka Asluubta Somaliland iyo Cutubyada u tababaran hawlaha gaarka ah.

Qofka ciidanka ah maalinta uu isu diiwaangesho ciidamada, tababar qaato, dirayska ciidanka xidho ee uu u dhaarto dalka iyo dadka Somaliland waxaa uu ka baxaa qabiil iyo qabyaalad, waxaa uu ka baxaa mag qabiil kala qaato, waxaa uu ka baxaa qabiil sheegasho, waxaa uu ka baxaa aargoosi qabiil. Askarigu uma dhaarto beeshiisa ama qabiilkiisa balse waxa uu u dhaartaa qaranka (dalka iyo dadka). Waxaa uu wataa summadda iyo astaanta qaranka oo huwan sharafta wadaninimada ku salaysan difaaca iyo sugidda nabadgelyada ee dalka iyo dadka. Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland QABIIL MA LEH EE WAXAY LEEYIHIIN QARAN, HAYBTOODU WAA DALKA IYO DADKA. Haddii ciidamada dal la beeleeyo ama la qabiileeyo laguma tilmaamikaro ciidan qaran waayo waxay lumiyaan astaanta iyo niyadda wadaninimo ee ay ku difaacaan dalka iyo dadka kuna sugaan nabadgelyada gudaha si ummadoodu ugu seexato nabadgelyo, ugu shaqaysato nabadgelyo, ugu safarto nabadgelyo dalka dhexdiisa, dalkuna ugu horumaro nabadgelyo.

Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland waxay leeyihiin qawaaniin u gaar ah oo lagu maamulo laguna hoggaamiyo ciidanimadooda, kala dambayntooda iyo hawlgalkooda. Waxay kale oo leeyihiin maxkamado u gaar ah ciidamada (kana duwan maxkamadaha rayidk ah) oo lagu qaado haddii xubin ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida dembi gasho. Askarigu marka uu dhinto waxaa aasa ciidanka uu ka tirsanyahay waxaana lala socodsiiyaa ehaladiisa.

Dhawaan waxaa gobolka Sanaag lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Somaliland. Labadaas sarkaal kama dhiman qabiil ama beel ee waxay ka dhinteen qaranka Somaliland iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland.  Xukuumadda Somaliland ayaa ka mas’uul ah inay soo qabato dembiilayaasha dilkaas foosha xun gesytay lana saaro maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland. 

Dil waa ka dhacaa dal markasta ama rayid ha noqdo ama ciidan ha noqdee. Haddii dil ka dhaco dal waxaa mas’uuliyadda wax-ka-qabashada leh xukuumadda dalka ka jirta iyada oo adeegsanaysa sharciga dalka iyo Ciidamada Qalabka Sida. Maaha wax caadi ah in Gobolka Sanaag lagu soo rogo “Xukun Deg Deg Ah” sida ay ka socdaan gobolka dagaallo sokeeye oo lagu riiqday ama lagu baaba’ay. Marka dhibaato weyn ka jirto gobolka oo nabadgelyada dadka gobolka oo dhan wada saamaysa, dadka ayaa taageera in lagu soo rogo xukun deg deg ah si ay u nabadgalaan ugana badbaadaan dhibaatada. Gobolka Sanaag waa caadi, dilkuna waa dhacaa. Xukunka deg dega ah ee lagu soo rogay Gobolka Sanaag waxaa uu muujinayaa labada arrimood ee kala ah: In Xukuumadda Somaliland aanay adeegsankarin sharciga dalka iyo Ciidamada Qalabka Sida si ay uga hawlgasho, degdegna wax uga qabato dhibaato kasta oo timaada iyo in  Beesha Caalamku u aragto in Somaliland aanay ka jirin nabadgelyo taas oo dhaawac ku ah sumcadda dalka.

Waxaa xaaraan ah in la siyaasadeeyo arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland sida dilka saraakiishaas, waxaa kale oo xaaraan ah in  madaxda dhaqanka Somaliland ka hadlaan arrimaha ciidamada, dilkaasna uga hadlaan sida rag laga dilay beel waayo Ciidamada Qalabka Sida maaha arrin dhaqan ee waa arrin ciidan. Labadaas arrimoodba waxay dhaawac ku yihiin summadda, astaanta iyo waajibaadka Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo ah CIIDAN QARAN oo heegan u ah difaaca iyo nabadgelyada dalka iyo ummadda Somaliland. Madaxda dhaqanku waa inay ka baxaan siyaassadda dalka iyo arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland kuna ekaadaan hawshooda dhaqanka ee beelaha ay u xilsaaranyihiin (Rayidka). Nolosha Ciidamada Qalabka Sida waa ka duwantahay nolosha rayidka ah waxaana kala duway shuruucda, qawaaniinta iyo waajibaadka ay kala leeyihiin. Ciidamada Qalabka Sida oo la siyaasadeeyo ama la beeleeyo waa dembi, ciddii gashana loo baahanyahay in lagu qaado.

Xukuumadda Somaliland waa inay dadka Somaliland ku wacyigelisaa isla markaana bartaan in Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ay yihiin ciidamo qaran oo ka caagan in loo nisbeeyo beel ama qabiil si loo ilaasho loona dhawro niyadooda wadaninimo ee ay ciidamadu ku difaacaan dalka iyo dadka kuna sugaan nabadgelyada gudaha. Waa in Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland ay sharci qaran oo adag ka soo saaraan in la siyaasadeeyo ama la beeleeyo Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland. Waa in la mamnuuco in madaxda dhaqanka ee dalka ay asalba ka hadlaan arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland kuna ekaadaan hawlaha dhaqanka ee ragidka ah. Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida waxaa iska leh oo qudha xukuumadda ka jirta dalka, madaxda Ciidamada Qalabka Sida iyo maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida.

Shacabka Somaliland waa inay markasta qalbiga ku hayaan jacaylka iyo taageerada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo naftooda u hura difaaca iyo nabagelyada dalka iyo dadka.  Ciidamada Milatariga Somaliland waxay saldhig milatari ka samaysankaraan gobolkasta iyo meelkasta oo dalka ka mid ah maadaama ay yihiin ciidan qaran oo u xilsaaran difaaca dalka iyo dadka.

Ibrahim Hassan Gagale 

Email: ibrahimgagale@gmail.com

Taariikh: May 4, 2019

LEAVE A REPLY