SOMALILAND: Afur kalkaal Dadkaaga baahan u adeeg + SAWIRRO

0
2515

HARGEISA—Waxaa fikradda si wadaaga uleh madasha aqoonyahanka reer Somaliland ee Dalka hindiya wax kusoo bartay, oo la damqaday waqtigan adag ee duruufaha nololeedna uu jiro inay dadkooda wax soo gaadhsiiyaan, Bahdan aqoonyahanka ahi waxay tiraba hore uga soo qayb qaateen sida:-
1-Hospital wayn gaar ahaan qaybta dhimirsid
2- Dadka danyarta ah inay Fee-ga waxbarasho qaarkood ka bixiyaan.
Bishan ramadaan ee Xanuunka Convid19 oo sababay in shaqadii iyo noloshiiba istaageen inay sadaqo kagala qayb qaateen bulshadooda dhaqaale xumaddu soo wajahday,sidoo kale tabarucaadkan afuri walaalkaa wuxuu u furan yahay qofkasta oo reer somaliland ah oo wax ku darsanaya.

Asxaabta oo kala joogta dalka dibadiisa UK,USA,CANADA,SWEDEN,QATAR,SOMALILAND waxay intii itaalkooda ah ku bilaabeen inay afuriyaan walaaladooda wacyiga iyo waaqica adag haleelay.

Halkan barakacayaasha Dagan Tower-ka HCTV ee new hargeisa iskuulka Abdisalaan haji adan qabile waxaan u qaybinaynaa 25 qoys raashin ku filan hal bil
Bariis
Sonkor
Daqiiq
Saliid .

Waxaa kale oo aanu gaadhsiin doonaa ilaa 2 goobood ilaa sadex goobood oo min 25 qoys noqon doono.

Waxaan allah ka baryaynaa intii la baxday saddaqadaas in allah halkay kasoo saareen wax wayn ugu badalo.

Waxaa kale oo aan ka codsanayaa inta jecel inay bixiso in bishan khayr ka badan Sadaqada naftooda ilmahooda iyo waalidkoodaba kula baxaan xiligan adag iyo dadka ku haboon.

Xubin ka mida Guddida Soo abaabushay Afur kalkaal.
Ahmedyasin Sh cumar Ahmed

LEAVE A REPLY